Jubbaland oo saddex maalmood u baroor-diiqeysa wasiirka dhintay

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay tariikhda dahabiga ah ee Macalin Maxamed Ibraahim uu ku lahaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar haan Bulshada Jubbaland.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Wasiir macalin Maxamed Ibraahim oo wakhtigiisa intii ugu badnayd galiyay Waxbarida dadka Soomaaliyeed isagoo door muuqda kasoo qaatay waxbarashada Gobolka Banaadir iyo Jubbaland oo hada uu ahaa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Waxaa uu Intaas ku daray Madaxweynahu in uu udub dhaxaad u ahaa xoraynta Jubbaland qaybo badan oo kamid ah isagoo xili uu heli karay nalol wanaagsan uu ka doortay in uu nafta u huro sidii uu dhibka Argagixisada uga dulqaadi lahaa dadka ree Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhismahii Dowladnimada Jubbaland uu door aan la iloobi doonin uu ku lahaa isagoo mar walba ahaa shaqsi u taagan Arimaha dib u heshiisinta iyo wadajirka umada waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu ahaa shaqsi muhiim ah oo ka baxay ree Jubbaland.

Xaalad caafimaad ayuu sheegay Madaxweynahu in uu u joogay dalka Hindiya haakaas oo uu ugu geeriyooday Cudurka Kansarka isla markana mudooyinkii u danbeeyay lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Sadex maalmood oo baroordiiq ah ay galayso Jubbaland Isla markaana buuga Tacsida Wasiirka la dhigi doono Xarunta Wasaarada Waxbarashada, isagoo intaas ku daray in loogu magac dari doono meel munaasib ku ah si loogu xusuusto doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa dhismaha Jubbaland.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii iyo qaraabadii uu Wasiirku ka geeriyooday isagoo Allah uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in uu booqan doono qoyska wasiirka lana qaybsanayo geerida ku timid Allah ha u Naxariiste Wasiir Macalin Maxamed Ibraahim.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM