Karkarka siyaasadda Soomaaliya iyo fayruska safmarka ah ee Corona

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Si lamid ah qaar kamid ah wadamadda deriska iyo caalamka, xaalada uu Coronavirus kusoo beegmay Soomaaliya ayaa ah marxalad lagu jiro "karkar" siyaasadeed si gaar ah doorashooyin.

Iyaddoo ay cabsida faafitaanka taagan tahay, Kuuriyadda Koonfureed ayaa qabatay doorashadda. Dadweynaha waxay wateen maaskarada. Mana lasoo warin xaalada Covid-19 oo cod-bixinta sababtay.

Inkastoo aan wali lagu heshiin nidaamka lagu galayo balse qorshuhu yahay qof iyo cod, coddeynta Soomaaliya ee 2020-21 ayaa isha lagu hayaa. Dowladda wali ma aysan caddeynin mowqifkeeda arrinkaas.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa beeniyey warar laga faafiyey oo ku saabsan in ay shaacinayaan dib-u-dhigs.

Qaar kamid ah maamul goboleedyadda dalka gaar ahaan Puntland ayaa si cad u sheegtay in wax la abaqli karo aysan ahayn in baajiyo doorashooyinka iyaddoo sabab looga dhigayo baqdinta cudurkan faafa.

"Haddii ay timaado xaalad laga foqsan waayo waa in go'aanka xiga uu noqdaa mid loo dhan yahay," Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sidaas yiri horaantii bishaan.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix xisbi siyaasadeed ayaa madaxda Villa Soomaaliya uga digay in xaalada taagan ay "dano gaar ah uga faa'iideystaan gaar ahaan doorashooyinka".

Faragelin ama tanaasul?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay hortaalo laba fursad oo kala ah; in uu tanaasul muujiyo iyo in faragelin shisheeye ogolaado.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu kusoo qoray hadalkaas kadib markii guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ay joojiyeen kulamada goleyaasha muddo aan la cayimin.

Siyaasiyiin ayaa go'aankaas ku qeexay "bilowga waqti ku darsi" hase ahaatee, waxaa kasoo horjeeda wasiirkii hore ee Qorsheynta xukuumada federaalka ah.

"Yaan waqti la iska lumin ee waayihii inna soo maray wax halaga barto. Ma jiraan Baarlamaan iyo Xukuumad kaligood muddo kororsi samayn kara," ayuu Warsame hadalkiisa ku daray, isagoo u muuqda mid rajo leh.

Intii uu socday shir uu todobaadkii hore la yeeshay guddiyada maamuladda, ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa codsaday in aan la siyaasadeyn ololaha lagula dagaalamayo caabuqa.

Midnimo

Beesha Caalamka oo saameyn weyn ku leh qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ayaa kahor inta uusan dilaacin caabuqa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in coddeynta waqtigeeda lagu qabto.

Tan iyo markii uu soo ifbaxay fayruska, wali kama hadlin suurtagalnimada in loo baajiyo sidda ay sameyeen dalal kale oo ay ku jirto Itoobiya.

Hase ahaatee, waxaa qadiyadan lagu soo hadal-qaadey kulan maanta dhexmaray ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubnaha Beesha Caalamka kaasoo ku qabsoomay qaab casriga ah ee Online.

Nicolas Berlanga, danjiraja Midowga Yurub u fadhiya Muqdisho, ayaa soo jeediyey in qaab mideysan loo wajaho xaaladaha haatan taagan.

"Covid wuxuu yimid waqti uu jiro karkar siyaasadeed, inagoo danaha qabiilka iyo shaqsiga ka sara marineyna muwaadiniinta, waa waqtigii midnimadda," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Maadaama Mudda xileedka dowladda Farmaajo iyo baarlamaanka ay ka harsan tahay bilooyin waxaa muuqaneysa in qaranka uu gelayo xaalad kala guur ah, mana la saadaalin karo waxa mustaqbalka dhici doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM