KG oo rumeysan in ciidanka Itoobiya ay soo rideen diyaaradii Bardaale

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in ay rumeysan yihiin in ciidamadda Itoobiya oo sameynayey "layli milatari" ay toogteen diyaaraddii ku dhacday Bardaale.

Xasan Xuseen Eelaay, wasiirka duulista hawada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyey in ay geeriyoodeen dhamaan rakaabkii saarnaa duulimaadka African Express oo tiradooda lagu sheegay lix qof.

Ma bixin tafaasiil dheeraad ah, balse waxay ku adkeysteen baaritaanka haatan socda kadib ay fahfaahinta soo bandhigi doonan.

Illo wareedyo dhanka amniga ah oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in diyaaradda uu ku dhacay qoriga Zuuga.

Ciidamadda Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhig ciidan ku leh nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaaladda.

Dhanka kale, wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay, ayaa wacad ku martay in ay "si adag u baari doonto" dhacdadan.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa ciidamadda Itoobiya ku eedeeyay in ay soo rideen diyaaraddii shalay ku burburtay magaaladda Bardaale, gobolka Baay.

Tani ayaa waxay meesha ka saareysaa suurtalgalnimo kasta oo maleeyshiyada ku sheegan kartay dhacdadaas, wallow ay wax isbedeli karaan, daqiiqad kasta.

Diyaaradda oo sidday shixnad gargaar caafimaad waxaa laga leeyahay dalka Kenya, oo cilaaqaadka siyaasadeed iyo midka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa uusan fiicneyn.

Bayaanka dowladda Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM