Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo ku dhow kun, geerida oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 69 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Tani ayaa wadarta guud ee xaaladaha xanuunka ee waddanka waxa ka dhigeysaa 997, taasoo ka dhigan in ay ku dhow dahay kun.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa sheegtay in bukaanadda 48 kamid ah ay yihiin rag, halka 21-kalana dumar

Bukaanadda ayaa 39 kamid ah waxay joogaan Muqdisho, 11-na Somaliland, Koonfur Galbeed waa 8, Puntland waa 8, HirShabelle waxaa laga xaqiijiyey laba xaaladood iyo Galmudug oo hal kiis ah.

Intii lagu guda jiray shir jaraa'id oo ay ku fahfaahisay xaaladaha soo kordhay, Fowziya ayaa shaacisay in afar geeri horleh ay jirto.

Tani ayaa macnaheedu yahay in tiradda guud ee dhimashadda ay gaartay 48. Fowziya waxay xustay in geerida laga soo wariyey Puntland oo hal qof uu ku dhintay, Somaliland oo laba ah iyo Muqdisho.

Sidoo kale, wasiiradda ayaa carabka ku dhufatay in afar bukaan oo horleh ay ka bogsadeen xanuunka, taas oo wadarta ka dhigtay 110.

Soomaaliya ayaa si maalinle ah u soo warineysa kororka kiisaska Covid-19, waxaana arrintaas ay sarre u qaadey walaaca ku saabsan in cudurka uu wali ku dhex-jiro bulshadda, wallow kaalinta dowlada uu liito.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM