Kiisaska Covid-19 ee dalka oo kor-u-dhaafay 1,300, dad horleh oo dhintay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 73 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Tani ayaa ka dhigan in tiradda xaaladaha cudurka ee guud ahaan waddanka ay sii mareyso 1,357 xilli horey ay u ahayd 1,284 kiisas.

Bukaanada cusub ayaa kala jooga; Puntland - 25, Somaliland - 19, Banaadir - 17, iyo Koonfur Galbeed oo laga diiwaan-geliyey 12 ruux.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa shaaca ka qaadey in laba qof ay sidoo kale ku dhinteen degaanadda Somaliland.

Wadarta guud ee dadka uu galaaftay cudurka ayaa sii mareysa 55, kuwaas oo badankooda ku sugan magaala madaxda waddanka.

Wasiiradda oo wariyeyaasha kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in 13 qof oo horleh ay ka caafimaadeen xanuunka.

"Guud ahaan, bukaanada ka caafimaadey waxay sii marayaan 148," ayay Fowziya raacisay hadalkeeda, iyaddoo dadka ku boorisay in ay xoojiyaan feejignaanta iyo kala fogaanshiyaha dadka shacabka ah.

Ugu dambeyntii, wasiir Fowziya ayaa ku tartarsiisay bukaanada isku arka caabuqa in aysan dhex-gelin dadka isla markaana ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan xarumaha caafimaadka ee wasaarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM