Kiisaska Covid-19 ee dalka oo kor-u-dhaafay 1,300, dad horleh oo dhintay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 73 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Tani ayaa ka dhigan in tiradda xaaladaha cudurka ee guud ahaan waddanka ay sii mareyso 1,357 xilli horey ay u ahayd 1,284 kiisas.

Bukaanada cusub ayaa kala jooga; Puntland - 25, Somaliland - 19, Banaadir - 17, iyo Koonfur Galbeed oo laga diiwaan-geliyey 12 ruux.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa shaaca ka qaadey in laba qof ay sidoo kale ku dhinteen degaanadda Somaliland.

Wadarta guud ee dadka uu galaaftay cudurka ayaa sii mareysa 55, kuwaas oo badankooda ku sugan magaala madaxda waddanka.

Wasiiradda oo wariyeyaasha kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in 13 qof oo horleh ay ka caafimaadeen xanuunka.

"Guud ahaan, bukaanada ka caafimaadey waxay sii marayaan 148," ayay Fowziya raacisay hadalkeeda, iyaddoo dadka ku boorisay in ay xoojiyaan feejignaanta iyo kala fogaanshiyaha dadka shacabka ah.

Ugu dambeyntii, wasiir Fowziya ayaa ku tartarsiisay bukaanada isku arka caabuqa in aysan dhex-gelin dadka isla markaana ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan xarumaha caafimaadka ee wasaarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furitaanka Baarlamaanka oo Dib u Dhacay Xili ay Taagan Yihiin Muran Siyaasadeed iyo Khilaaf Doorasho

Xamse ayaa meesha ka saaray in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo sheegay in uu weli xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    20-09-2025

  • 02:01PM

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM