Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo dhaafay 1,800; geerida oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in 97 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus laga diiwaan-geliyey guud ahaan waddanka, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Bukaanadda cusub ayaa kala jooga; gobolka Banaadir: 35, Somaliland: 32, Koonfur Galbeed: 22 iyo degaanadda Puntland oo 8 ah.

Shaqsiyaadka cusub ee laga helay caabuqa dilaaga ah ayaa 69 kamid ah waxay yihiin Lab ama Rag, halka Dhedig ama haween ay yihiin 28.

Tiradda guud ee kiisaska ayaa waxay sii cagacageynaysaa 1,828, waxaana muuqaneysa in ay qarka u saaran yihiin laba kun oo kiisas.

Dhanka kale, sidda lagu sheegay warbixinta maalinlaha ah ee 28-ka May, 2020, waxaa cudurka ka caafimaadey 45 bukaan.

Intaas waxaa wehlisa in ay u dhinteen shan muwaadin oo horleh; wadarta gogsashada waa 310, geeriduna 72 marxuum.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in mar kale sarre u kac uu ku yimid dadka uu haleelayo xanuunka ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo gobolada, wallow maalmihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM