Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo dhaafay 500 xili la xaqiijiyey 48 cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxay ku dhawaaqdey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 48 kiis cusub oo ah Covid-19.

Tani ayaa macnaheedu yahay in wadarta guud ee xaaladaha cudurka ee guud ahaan waddanka ay gaareen 528.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa wariyeyaasha u sheegtay in sidoo kale 24-kii saac ee lasoo dhaafay xaqiijiyeen laba geeri ah.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, sidoo kale waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka caafimaadey xanuunka laba bukaan oo isbitaalka laga saarey.

"Bukaanada cusub 31 kamid ah waa Lab, 17-ka kelana waa Dhedig," ayay raacisay wasiiradda, oo tibaaxday in 41 kamid ah laga helay Banaadir, saddexda kalena Jubbaland iyo afar kale oo Koonfur Galbeed ah.

Kiisaska laga helay Koonfur Galbeed ayaa noqonaya xaaladihii ugu horeeyay ee degaanada maamul goboleedkaas Soomaaliyeed.

"24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dhimatay laba bukaan, ALLE ha u naxariistee. Tiradda guud ee dhimashadda waa 28, shan kalena way bogsatay, tiradda guud ee caafimaadeyna waa 18," ayay hadalkeeda raacisay.

Tan iyo markii Muqdisho la geeyay sheybaarka lagu ogaado fayruska safmarka ah waxaa kororka xanuunka uu noqdey mid maalinleh ah. Mashiinkaas waxaa looga maarmay midka ay WHO aqoonsan tahay ee yaala xarunta Kenya.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM