Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo dhaafay 800, geerida oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 79 kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ee xaaladaha caabuqan ee guud ahaan waddanka ay haatan gaartay 835, maadaama shalay oo Isniin ah ay ahayd 756 kadib markii la helay kiisas cusub.

"Meelaha ay kala joogaan dadkaan waa sidaan soo socota; Banaadir waa 38, Jubaland waa 22, Koonfur Galbeed waa 11 iyo Puntland oo ah 8," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa warbixinta maalinlaha ee 5-ta May sanadka 2020 ku xaqiijisay in sidoo kale ay geeriyoodeen saddex bukaan, wallow ay fahfaahin bixin.

Wadarta guud ee dadka u geeriyooday xanuunka ayaa waxay haatan gaartay 38; badi dadkaan waxay ku sugan yihiin magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Sidoo kale, wasiiradda oo wariyeyaasha kula hadashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa daboolka ka qaadey in 14 bukaan ay ka caafimaadey cudurka sidda fudud u faafa.

Shaqsiyaadka jirkooda uu ka baxay fayruska ee ku sugan gudaha ayaa waqti xaadirkaan sii cagacageyneysa 71, sidda ku xusan warbixinta ay saxaafadda u akhrisay Dr Fowziya Abiikar.

Dhanka kale, wasiirka Fowziya oo dadweynaha ku boorisay in ay xoojiyaan wacyi-gelinta iyo kala fogaanshiyaha ayaa qiray in ay jiraan muwaadiniin qaba xanuunka oo qarsanaya.

Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka dadka ugu yar ka baarey Covid-19, balse waa dalka labaad ee xaaladaha ugu badan ay ka jiraan Geeska Afrika, waxaana ugu wacan nidaamka caafimaadka oo liita.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM