Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo dhaafay 900, dad horleh oo u dhintay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 55 kiisas cusub oo ah safmarka ah dilaaga ah ee Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaraddaas, oo wariyeyaasha kula hadashay magaaladda Muqdisho, ayaa waxay sheegtay in shan xaaladood oo dhimasho ah ay sidoo kale xaqiijiyeen.

Sidda ay ka dhawaajisay wasiir Fowziya, waxaa sidoo kale bogsadatay saacadihii lasoo dhaafay 19 muwaadin, wallow aysan fahfaahin meelaha ay ku kala sugan yihiin.

Tiradda guud ee xaaladaha caabuqa ayaa haatan gaartay 928; dhimashadda waxay sii mareysaa 44 iyo 94 ka caafimaaday, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda.

Bukaanada cusub ee laga helay caabuqa ayaa 13 kamid ah waxay joogaan Puntland, midkood wuxuu ku sugan yahay HirShabelle, halka 41-da kelana ay gobolka Banaadir ku dhaqan yihiin.

Intii uu socday shirka jaraa'id, wasiiradda ayaa mar kale ku celisay baahida loo qabo iyo ahmiyadda ay leedahay in dadweynuhu u naga-nuglaadaan talooyinka caafimaad ee xakameynta xanuunka.

Kororka maalinlaha ah ayaa sii socda xilli dowladda lagu eedeynayo gaabis dhanka la dagaalanka ah fayruska isla markaana xubno ku dhow madaxda sarre ay lacag ka sameynayaan dedaaladda haatan socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM