Dadka u haleelay Covid-19 ee ku nool Soomaaliya oo dhaaftay 1,200

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay soo kordheen 49 kiisas cusub oo la xiriira safmarka Coronavirus.

Tani ayaa wadarta xaalaaha xanuunka guud ahaan wadanka waxay ka dhigeysaa 1,219, oo badankoodu joogaan magaala madaxda Muqdisho, sidda ay sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaarada.

Bukaanada cusub oo xaaladoodu ay wanaagsan tahay ayaa lagu waramay in 38 kamid ah ay yihiin rag, halka 11-ka kelana lag sheegay dumar.

"Meelaha ay kala joogaan waa gobolka Banaadir waxaa laga helay 26, Koonfur Galbeed 9, Pntland 8 iyo Somaliland oo lix ah," ayay raacisay wasiiradda.

Fowziya ayaa intaas ku dartay in saacadihii u dambeeyay aan la diiwaan-gelin dhimasho cusub. Nasiib wanaag, waxay ka dhawaajisay in ay bogsadeen afar muwaadin, wallow aysan xusin meelaha ay joogan.

Sidda ay wariyeyaasha Muqdisho u sheegtay Fowziya, tiradda dadka uu cudurka ku dilay dalka ayaa wali ku taagan 52 ruux, halka bukaanada ka caafimaadey ay wadartooda sii cagacageyneyso 130.

Wasiiradda ma aysan soo hadal-qaadin dhimashadda ay Jubbaland shaacisay maanta iyo maxaabiista laga baarey. Wariyeyaashii su'aalaha ka waydiin lahaa waa laga mamnuucay.

Ugu dambeyntii, dadweynaha ayay ku boorisay in ay xoojiyaan taxadarka iyo in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad ee sababi kara in ay ka badbaadaan safmarkan kasoo bilowday bartamaha Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furitaanka Baarlamaanka oo Dib u Dhacay Xili ay Taagan Yihiin Muran Siyaasadeed iyo Khilaaf Doorasho

Xamse ayaa meesha ka saaray in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo sheegay in uu weli xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    20-09-2025

  • 02:01PM

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM