Qaylo-dhaanta dhaqaalo xumida Galmudug iyo halista Coronavirus

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Wasaaradda Caafimaadka maamul goboleedka Galmudug ayaa waxay xaqiijisay in ay gacanta ku hayso kiisaskii ugu horeeyay dad lagu tuhunsan yahay fayruska safmareenka ah ee Corona.

Naciima Maxamed Catoosh, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay in ay shaqsiyaadkaas ay ku kala sugan yihiin magaalooyinka; Dhuusamareeb, Guriceel, Gaalkacyo iyo Caabudwaaq.

Tijaabooyinka laga qaadey ayay daboolka ka qaadey in loo diray caasimadda dalka ee Muqdisho si hubin dheeraad ah loogu sameeyo.

Sidda ay ka dhawaajisay Naciima, bukaanka lagu hayo xarunta gobolka Mudug waxaa ka muuqda dhamaan calaamadihii cudurkaas dilaaga ah.

Muqdisho waxaa yaala sheybaarka dhexe ee Qaranka, kaas oo lagu baaro qaar kamid ah xaaladaha fayruska ee dalka, waxaana looga maarmay tijaabooyinkii loo diri jiray dibadda si gaar ah Kenya.

Dhanka kale, wasiirada oo u warantay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa shacabka ku boorisay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadaama "la og-yahay in cudurka uu dadka ku jiro".

"Xuduudaheena way furan yihiin, dhaqaalo yari ayaa jirta. Waad og-tihiin wax dibada laga keenay wax ma taraan, kaliya waxaan hadda sameyneyno waa ka hortag. Sariir lagu seexiyo wax ma tareyso. Dadka iyagu ha taxadaraan," ayay raacisay, iyaddoo ka cabaneysa qalab yari.

Wallow ay rajeysay in ay dhowaaan soo gaari doonan agab kale, Marwo Naciima ayaa carabka ku dhufatay in ay kaliya haatan haystaan tobban xabo oo ah qalabka lagu qaado tijaabadda Covid-19.

Qalyo-dhaanta ayaa timid xilli ay sii kordheyso baqdinta laga qabo in caabuqa uu ku faafo gobolada waddanka markii kiisaskii ugu horeeyay laga soo wariyey degaanada Somaliland, Jubaland, Puntland iyo HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM