Kolanyo galbineysay madaxweynaha HirShabelle oo la weeraray

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Kolanyo galbineysay madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa lagu waramayaa in lagu weeraray degaanka Ceel-gaal, gobolka Hiiraan ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan, weerarka waxaa ka dambeeyay dadka degaanka oo la sheegay ka careysan yihiin qorshe uu waddo Waare kaasoo uu ku doonayo in uu degmo ugu magacaabo Jawiil.

Jawiil hadda waa degaan qiyaastii 20 KM u jira magaaladda Beledwayne. Balse, waxaa arrintaas kasoo horjeeda qaar kamid ah dadka ku dhaqan tuulooyinka kale ee ku hareeysan, iyagoo ku sifeeyay "sharci darro".

Qoorey Cabdirashiid Aadan, oo kamid ah ganacsatadda degaanka, ayaa u sheegay Radio Kulmiye in xaaladda meesha ay tahay mid kacsan.

"Hub culus ayaa leysku adeegsaday. Iyaga [ciidamadda ilaaladda u ah Waare] waxaa la socday Jabuutiyaan ka tirsan AMISOM," ayuu raaciyey, isagoo aanan kala caddeyn hadii ciidanka Midowga Afrika xabada rideen.

Sidda laga soo xigtay ganacsatadaha, iska hor-imaadka kahor waxaa Jawiil ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo maamulka uu hogaamiyo Waare, kaas oo saaka booqasho aan lasii shaacin ku tegay halkaas.

Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalka, balse waxaa lasoo warinaya in ay jirto waxyeelo dhinacyadda soo gaarey. Kolanyada waxaa la beegsaday xilli ay kasoo laabteen Jawiil.

Talaaladii ayay ahayd markii qarax ka dhacay duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay sideed askari isla markaana ay ku dhaawacmeen tirro kale oo intaas ka badan.

Ammaanka degaanada HirShabelle ayaa la sheegay in uu yahay mid aan leysku haleyn karin, waxaana qaar kamid ah madaxda maamulkaas hoy u ah magaala madaxda dalka ee Muqdisho xaalad amni darro darteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM