Madaxda Maamulada oo ka tacsiyeeyay is-miidaamintii Kismaayo

Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyneyaasha Puntland, HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed tacsi tiiraanyo leh u diray qaraabada dadkii lagu laayey weerarkii ay Al-Shabaab ku beegsatay huteelka Cas-casey ee Kismaayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiisyadda Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdi Waare, Axmed Ducaale Xaaf iyo Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen ayaa lagu sheegay in ay murugada la wadaagayaan Jubbaland.

Bayaanka ayaa lagu bidhaamiyey in madaxda ay si kulul u cambaareynayaa weerarkaasi argagixiso, iyaga oo dalbadey in loo midoobo gulufka ka dhanka ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Bukaanada wax ku noqdey dhacdadaasi oo qaarkood magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi laga kala dejiyey markii Kismaayo xaaladooda wax looga qaban waayey ayay u rajeeyeen soo kabasho degdeg ah.

Ku dhowaad 30 ruux oo shacab ah ayna ku jiraan Soomaali haysata dhalashooyinka Mareykanka iyo Ingiriiska si lamid ah ajaaniib u dhalatay Kenya iyo Tanzania ayaa ku naf-waysay Is-miidaamintaasi.

Dhaawaca ayaa la sheegayaa in uu sii cagacageynayo in ka badan 50 ay kamid yihiin laba ruux oo u dhalatay wadanka China. [Halkan ka akhriso fahfaahinta]

Madaxweyne Axmed Madoobe oo xusay in dableyda huteelka weerartay ay afar ahaayeen ayaa xusay in midkood la qabtey, mid kalena uu is-qarxiyey laba kelana toogasho lagu dilay.

Dhacdadan oo noqoneysa tii ugu dhimashada badneyd oo ay Al-Shabaab ka geysato Kismaayo tan iyo markii laga saarey 2012-kii ayaa imaaneysa iyadda oo bisha dambe ay Jubbaland ka qabsoomeyso doorasho.

Huteelka la beegsaday oo caan ku ah martigelinta shirar siyaasadeed iyo inuu degaan u yahay mas’uuliyiin ayaa xiliga uu weerarku dhacayey waxa ku shirsanaa Xilldhibaano iyo Odayaal intooda badan lasoo badbaadiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM