Madaxii Canshuuraha Al-Shabaab ee Wanlaweyn iyo ilaaladiisa oo "la dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska milatariga Soomaaliya ayaa wuxuu maanta oo Khamiis ah shaaciyey in ay dileen madaxii Canshuuraha Al-Shabaab ee Wanlaweyn iyo laba kamid ahaa ilaaladiisa.

Qoraal kasoo baxay taliska oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa magaca sarkaalkaas kusoo koobay Abuu Haashim, wallow aan la carabaabin ilaaladiisa.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, howlgalka lagu khaarijiyey xubnahaan oo ay fuliyeen ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa ka dhacay degaanka Leego.

Leedo ayaa dhowr kilomitir u jirtay degmadda Wanlaweyn, gobolka Shabeellaha Hoose ee hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

"Kumaandooska Danab ee CXDS ayaa Howlgal Qorsheysan ka Fuliyeen Deegaanka Leego waxay ku dileen Horjoogihii Canshuuraha Argagixisada u qaabilsanaa Degmada Wanla-weyn Abuu Haashim iyo Labo kamid ah Maleeshiyaadkiisa xilli ay baad ka qaadayeen dad Shacab ah," ayuu raaciyey qoraalka taliska ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Hase ahaatee, bayaanka ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo la xiriira haddii iska hor-imaad uu dhacay iyo waxyeelo ciidamadda soo gaarey intii ay ku guda jireen howlgalkaas.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadan oo kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacidda.

Shabeellaha Hoose waa gobolka kaliya ee ka tirsan koonfur Soomaaliya oo uu ka socdo dhaqdhaqaaqyadda lagu ciribtirayo Al-Shabaab isla markaana uusan saameyn ku yeeshan Coronavirus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM