Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Ciraaq oo telefoonka kuwada hadlay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu daboolka ka qaadey in uu khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Ciraaq, Barham Saalix.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka ayuu ku shaaciyey qodobadda iyo ujeedka uu daarnaa wadahadalka.

Sidda laga soo xigtay fariintaas, labadda hogaamiye ayaa isla soo qaadey la dagaalanka safmarka dilaaga ah ee Coronavirus iyo argagixisadda.

"Waxaan khadka telefoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha dalka Ciraaq walalakay Barham Saalix. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka aan kula jirno ka hortagga COVID19 iyo in 2da dal ay yeeshaan khibrad is dhaafsi ku saabsan ciribtirka fikirka xagjirka ah," ayuu Farmaajo yiri, isagoo adeegsaday luuqadda Af Soomaaliga.

Illaa iyo haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan wadahadalkan oo kasoo baxay xukuumadda Baqdaad iyo xafiiska Barham Saalix.

Wadahadalka madaxda ayaa yimid xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay jireen warar sheegaya in gudaha Ciraaq ay ku xaniban yihiin haween Soomaali ah oo ay qabeen dagaalameyaal Daacish ah.

Suuriya ayaa sidoo kale lagu waramay in ay joogaan gabdho Soomaali ah oo caruur u dhalay dagaalameyaal ka tirsan kooxda laga adkaaday ee ISIL.

Waalidiintooda ayaa xukuumadda Muqdisho ka codsaday in ay ka shaqeyso siddii ay u soo celin lahayd gabdhooda kadib markii dowladaha reer Galbeedka  oo ay dhalasho labaad ka haystaan ay diideen soo jeedintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM