Magacyada lixda qof ee ku dhimatay shilka diyaaradeed ee Bardaale

Image

BAYDHABO, Kenya – Diyaarad nooca xamuulka ah taas oo sumadaheedu ahayd E120 lagana leeyahay Kenya ayaa galabnimadii Isniinta ku dhacday Bardaale, gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Lix qof oo saarnaa diyaaradda la xaqiijiyey in ay ku nafwaayey dhacdadaas, oo baaritaan ay ku bilaabeen dhinacyadda ay quseyso.

Wali lama shaacin sababta keentay in ay soo dhacdo diyaaradda, wallow ay jiraan warar la xiriirinayey milatariga wadanka Itoobiya.

Muuqaal lagu duubay Satellite-ka ayaa muujiyey in diyaarada ay walax ku dhacday iyaddoo saddex daqiiqo u jirtay gegida cagodhigashada.

Dadka ku dhintay musiibadan ayaa lagu waramay in ay kala ahaayeen; laba duuliye, Injineerka duulimaadka oo Kenyan ah iyo saddex kale oo lasoo wariyey in ay saarnaa kuwaas oo diyaaradda ay u rarneyd.

Magacyadooda ayaa lagu kala sheegay;

1: Captain Xasan Muuse Bulxa, oo uu dhalay mulkiilaha shirkadda iska leh diyaaradda ee African Express.

2: Captain Mabruuk

3: Captain Cumar

4: Injineerka Kenyanka ah

5: Cali Madax Gaduud

6: Saciid Cabdulaahi Maxamed

Dhanka kale, illo wareedyo ayaa waxaa laga soo xigtay in ay aaminsan yihiin in diyaaradda lagu soo riday gantaal lagu dhuftay xilli ay dooneysay in ay ka degto garoonka Bardaale.

Shilkaan ayaa wuxuu kusoo hagaagay iyaddoo xiriirka u dhaxeeya xukuumadaha Muqdisho, Nairobi iyo Addis Ababa uusan wanaagsaneyn, maadaama ay jirto kala aragti-duwanaan dhinaca siyaasadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM