Mareykanka oo agab loogu talagalay Corona ku wareejiyay DF

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mareykanka ayaa maanta oo Isniin ah ku wareejiyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Corona.

Deeqdaan ayaa ah 350 xabo oo sariiraha jiifka oo loogu talagalay in ay lagu seexiyo bukaanada uu soo rito caabuqa safmareenka ah.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka federaalka, ayaa hogaamineysay mas'uuliyiinta gudoomay kaalmada muhiimka ah.

Sariiraha ayaa qorshuhu yahay in la dhigo qeyb kamid ah Isbitaal Banaadir, halkaas oo loo asteeyay xarunta labaad ee karantiilka.

Iyaddoo shir jaraa'id kula hadashay wariyeyaasha, Fowziya ayaa xustay in maamul goboleedyadda ay qeybtooda ka heli doonan gargaarkan.

Isbitaal Mariini oo ah xarunta koowaad ee karantiilka ayaa wuxuu kaliya qaadaa 46 sariiro, kuwaas oo haatan ay jiifaan bukaano laga helay cudurka. Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya waa 165 xaaladood.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa shaacisay in tirada dhimashadda ay gaareyso todoba, sadex qof kalena ay ka bogsoodeen xanuunka. Kiisas kale oo la baarey 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa la shaacin doonaa natiijadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM