Mareykanka oo sababeeyay hakad ku yimid howlgaladiisa Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Taliska milatariga Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa nan howlgal ka fulin Soomaaliya shantii asbuuc ee lasoo dhaafay. Illaa iyo haatan, waa gaabiskii ugu dheeraad hal sano ah gudaheeda.

Weeraradda cirka ee taliska AFRICOM ka geysto Soomaaliya waxaa lagu bartilmaameedsadaa xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish. Balse, xilliyadda qaar waxaa waxyeelo kasoo gaara dad shacab ah.

Illaa iyo haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee keentay hakadkaas. Hase ahaatee, waxaa sharaxaad ka bixiyey Chris Karns, afhayeenka AFRICOM, kaas oo la sheegay in uu wareysi siiyey bogga Stripes.

Sidda uu ka dhawaajiyey Karns, hakadkan waxaa sababay roobabka Gu'ga ee ka curtay Soomaaliya kaas oo bedelay cimiladda goobaha dagaalka.

"Marka uu roob da'o waxaa dhaca isbedel gudaha Al-Shabaab ah iyo dhaqdhaqaaqyada xuduudaha," ayuu yiri. "Mar walba waxaa jira dedaal, ma ahan kaliya duqeyn, gabi ahaanba ma aanan joojin".

Duqeyntii ugu dambeysay ee taliska AFRICOM ka fuliyey Soomaaliya ayaa dhacday 10-kii April, taas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Todobaadkan, diyaaraddo aan la aqoonsan ayaa duqeeyay goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Jubadda Dhexe, oo ah fariisinka ugu weyn ee xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Sidda ay sheegtay Qaramadda Midoobay, daadadka ka dhashay roobabka ka da'ay Soomaaliya, ayaa barakiciyey 300,000 oo ruux.

Tan iyo bilowgii sanadkan, AFRICOM ayaa gudaha Soomaaliya ka fulisay ku dhowaad 40 howlgal oo dhanka cirka ah, waana mid ka badan sanadihii lasoo dhaafay, iyaddoo la filayo in ay gaaraan lama dhaafaan.

Duqeymaha dhanka cirka ah ayaa kamid ah xeeladaha dagaal ee lagu baacsado Al-Shabaab tan iyo markii laga qabsaday magaalooyinka. Gudaha Soomaaliya, waxaa jooga qiyaastii 300 boqol oo askari Ameerikaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM