Mas'uuliyiinta Muqdisho oo ku tuntay habraaca ka hortagga Covid-19

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta sar-sarre ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa shaashadaha kasoo muuqday iyagoo si bareer ah ugu tumanaya habraaca ka hortagga fayruska safmarka ah ee Corona.

Xadgudubkaan ayaa ka dhacay munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen gudoomiye ku xigeenada Maaliyada iyo Howlaha Guud, oo uu goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada.

Saraakiisha ayaa sawirro iyo muuqaalo laga qabtay iyagoo gacan-qaad sameynaya. Si lamid, ma aysan u hogaan-samin talada culimadda caafimaadka eek ala fogaanshiyaha marka ay dadku kulmayaan.

Wallow ay wateen Maaskaro, mas'uuliyiinta falkaan ku kacay ayaa waxaa hor-kacaya; Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Axmed Xasan Iimaan, gudoomiye ku xigeenka cusub ee maamulka iyo Maaliyadda gobolka iyo Ibraahim Mahad-Alle, gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka iyo Maaliyadda gobolka ayaa sidoo kale qayb ka ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u mamnuucay kulamadda dadweynaha iyo xitaa kuwa madaxda ay yeeshaan.

Madaxda ugu sareysa ee dalka, hogaanka xisbiyadda iyo maamuladda ayaa kulamadooda muhiimka ah ku yeelanayey qaabka fogaan araga ah tan iyo markii uu dilaacay caabuqaan, bishi December, sanadkii 2019.

Soomaaliya waxaa laga xaqiijiyey 528 kiis oo ah Covid-19; si lamid ah 28 dhimasho ah iyo 18 kale oo ka caafimaadey. Magaala madaxda Muqdisho waa meesha laga soo wariyey xaaladaha ugu badan ee caabuqa halista ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM