Ciidanka Soomaaliya oo guul ka sheegtay weeraro uga yimid Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in ay iska caabiyeen weeraro ay Al-Shabaab ku ekeysay fariisimahooda Ceel-saliini, Bariire iyo Afmadow ee gobolada Shabeellaha iyo Jubada Hoose.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyey in weerarada ay isugu jireen gaadiid qaraxyo loo adeegsaday iyo kuwa toos ahaa.

Jeneraal Cabdixamiid Dirir, taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay dileen 11 kamid ah dagaalameyaasha soo weeraray.

"Tirro kale oo dhaawacyo ah ayaa jira. Dhagartii ay soo maleegeenna waanu kala jebinay," ayuu u sheegay warbaahinta dowladda federaalka.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkaas oo kasoo baxay xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa joogitaan badan ku leh goboladaas, waxayna xilliyadda qaarkood ka fulisaa weeraro noocaan ah iyo kuwa teel-teel ah.

Maadaama dunida oo idil ay la halgameyso xakameynta safmarka Coronavirus oo dad badan laayey, tirro kelana ay la il-daran yihiin, Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey xabad-joojin caalami ah si looga hortago Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM