Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay magaaladda Diinsoor

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ugu yaraan hal qof ayaa lagu waramay in uu dhintay, saddex kelana ay ku dhaawacmeen kadib qarax Miino oo maanta ka dhacay magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay.

Saraakiil dhanka amniga ah ayaa sheegay in ruuxa geeriyooday ay ahayd haween lagu magacaabo Baarliin Haaji Buulle, halka dhaawacyadda lagu tilmaamay saddex caruur ah oo ka akdhowaa meesha falku ka dhacay.

Baarliin ayaa waxaa lasoo wariyey in ay ahayd gudoomiyaha ururka haweenka degmadda. Sidoo kale, caruurta "waxay kamid ahaayeen qoyskeeda".

Goobjoogeyaal kala duwan ayaa tibaaxay in qaraxu ka dhacay albaabka guriga marxuumadda, halkaas oo la aaminsan yahay in lagu aasay Miinadda.

Ciidamadda ammaanka degmadda oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa waxay bilaabeen baaritaano ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay.

Falalka noocaan ah ee ka dhaca degaanadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxaaa looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Qaraxyadda miinooyinka ee meelaha fog-fog laga hago ayay kooxaha argagixisada ah ku beegsadaan shaqsiyaadka muhiimka ah, iyagoo qaarkood ugu xira gaadiidkooda, halka kuwa kale ay dhulka ugu duugaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM