Qaraxyo ka dhashay madaafiic oo laga maqlay agagaarka Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhawaqa qaraxyo ka dhashay hoobiyeyaal ayaa waxaa laga maqlay nawaaxiga saldhigga Xalane dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadka degaanka oo khadka telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ay maqleen jugta hoobiyeyaasha abaare fiidnimaddii.

Ma cadda tiradda madaafiicda, balse warar aan la xaqiijin ayaa ku tilmaamaya illaa iyo afar xabo, oo aan la hubin haddii ay ku dhaceen bartilmaameedkooda ama in ay ku habsadeen guryo rayid.

Tan iyo markii uu bilowday Soonka, Al-Shabaab ayaa sarre u qaadey weerarada noocaan. Ma jiro war ay kasoo saartay falkaan cusub.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaa inta badan weeraradda noocaan ah fuliya aroortii iyo maqribadii, wallow waqtiyadda qaarkood ay qaadaan maalin cad, taas oo su'aalo dhalisay.

Ciidamadda dowladda federaalka ah ayaa ku guuldareystay in ay ka hortagaan falalkaan ama in ay soo qabtaan ragga tuura hoobiyeyaasha. Ma muuqdo qorshe cad oo hay'adda sirdoonka uga degan.

Al-Shabaab ayaa u muuqaneysa in xeeladeeda weeraradda ay ka fuliso magaaladda Muqdisho u rogtay dilalka qorsheysan iyo hoobiyeyaal kadib markii ay ku adkaatay qaraxyadda loo adeegsado baabuurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM