Qoor-qoor iyo Xaaf oo ugu dambeyntii is-gacan-qaadey [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] iyo Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa ugu dambeyntii is-gacan-qaadey kadib markii ay kulan yeesheen Isniinta maanta ah.

Qoor-qoor iyo Xaaf ayaa ku kulmay duleedka degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay booqasho ku tageen.

Dhinacyaddaan ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyay kadib doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb ee madaxweynaha Galmudug loogu doortay Qoor-qoor, murashaxii Villa Soomaaliya.

Xaaf oo diidey doorashadaas ayaa saldhig ka dhigtay koonfurta xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, halkaas oo uu kaga dhawaaqay baarlamaan iyo maamul cusub oo Galmudug leedahay.

Wadahadalo bilooyinkii lasoo dhaafay socday ayaa la sheegay in natiijada kasoo baxday ay noqoto in uu aqbalo doorashada isla markaana uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyo Qoor-qoor.

Lama shaacin fahfaahinta heshiiska la xusay in lagu soo afjaray tabashooyinka Xaaf, oo dhankiisa aan wali si furan uga hadlin hadii uu xilka wareejinayo iyo qodobada lagu qaciyey.

Warar ayaa tilmaamaya in xaflad kooban oo lagu qabto Dhuusamareeb uu Xaaf xilka ku wareejin doono maadaama munaasabadii caleema saarka Qoor-qoor loo baajiyey ka hortaga Coronavirus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaalada Baraawe

Baraawe ayaa muddooyinkii dambe ahayd magaalo muhiim ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay si dhow u maamulaan.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 08:11PM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM