Qoor-qoor iyo Xaaf oo ugu dambeyntii is-gacan-qaadey [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] iyo Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa ugu dambeyntii is-gacan-qaadey kadib markii ay kulan yeesheen Isniinta maanta ah.

Qoor-qoor iyo Xaaf ayaa ku kulmay duleedka degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay booqasho ku tageen.

Dhinacyaddaan ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyay kadib doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb ee madaxweynaha Galmudug loogu doortay Qoor-qoor, murashaxii Villa Soomaaliya.

Xaaf oo diidey doorashadaas ayaa saldhig ka dhigtay koonfurta xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, halkaas oo uu kaga dhawaaqay baarlamaan iyo maamul cusub oo Galmudug leedahay.

Wadahadalo bilooyinkii lasoo dhaafay socday ayaa la sheegay in natiijada kasoo baxday ay noqoto in uu aqbalo doorashada isla markaana uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyo Qoor-qoor.

Lama shaacin fahfaahinta heshiiska la xusay in lagu soo afjaray tabashooyinka Xaaf, oo dhankiisa aan wali si furan uga hadlin hadii uu xilka wareejinayo iyo qodobada lagu qaciyey.

Warar ayaa tilmaamaya in xaflad kooban oo lagu qabto Dhuusamareeb uu Xaaf xilka ku wareejin doono maadaama munaasabadii caleema saarka Qoor-qoor loo baajiyey ka hortaga Coronavirus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM