Shan ku dhimatay is-rasaaseyn Muqdisho ku dhexmartay ciidamo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan shan oo mid uu askari yahay ayaa ku dhimatay iska hor-imaad xalay xaafada Tarabuush, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dhexmaray ciidamo milatari iyo boolis kala ah.

Afar kamid ah dadka geeriyooday ayaa ahaa shacab, sidda ay ku warameen illo wareedyo dadka degaanka ah oo la hadlay Garowe Online.

Isku dhaca ayaa ka dambeeyay markii bileyska uu damcay in uu baaritaan ka sameeyo guriga sarkaal ka tirsan milatariga oo magaciisa lagu sheegay Bile Af-dheere, balse ay ka biyo diideen askar taabacsan isaga.

Booliska ayaa howlgalka ku baadigoobayey dabley ka tirsan maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo madaafiic ku weerartay xerada weyn ee Xalane.

Is-rasaaseynta ayaa kusii fiday xaafadda Kaawo Gudey kadib markii ciidamo kale oo milatari ahaa ay halkaas ku rasaaseeyeen boolis kale.

Saraakiil ciidan ayaa lasoo wariyey in ay ku baxday. Xaaladda meesha ay wax ka dhaceen waa mid degan, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

Hoobiyeyaasha lagu weeraray fariisinka AMISOM iyo diblumaasiyiinta ee Xalane ayaanan la ogeyn haddii ay ka dhasheen khasaaro naf iyo maalba leh.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay is-rasaaseeyeen, waxaana dadka ugu badan ee waxyeeladu kasoo gaarto ay yihiin dadweynaha lagu dul-dagaalamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM