Dadkii diyaaradda ku rasaaseeyay Qansax-dheere oo lagu raadjoogo

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Maamulka Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa shaaciyey in ay bilowdeen howlgallo lagu ugaarsanayo shaqsiyaadkii shalay diyaaradda ku rasaaseeyay degmaddaas.

Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim, gudoomiyaha magaaladaas, ayaa sheegay in howlgalka ay iska kaashanayaan Ciidamadda Dowladda, kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Itoobiyaa halkaas jooga.

Dagaalameyaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ayuu ka dhawaajiyey in ay ka dambeeyeen toogashada diyaaradda oo sidday gargaar nafaqo ah oo loogu talagalay Hooyadda iyo Dhalaanka.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunada ee WFP ayay u radneyd diyaaradda oo rasaasta lagu furay xilli ay dooneysay in ay cago-dhigato garoonka diyaaradaha, wallow aysan soo dhicin.

"Waa wax iska cad, falkaas Al-Shabaab ayaa ka dambeysay waxaana nagu balan ah in aan gacanta kusoo dhigno, idim ALLE," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey qaar kamid ah warbaahinta gudaha.

Diyaaradda la rasaaseeyay oo si nabad ah ugu soo laabatay Muqdisho ayaa laga leeyahay Kenya. Bil gudaheeda, waa diyaaradii labaad oo dalkaas laga leeyahay oo gudaha waddanka lagu beegsado.

Bishaan May 4-teeda ayay ahayd markii ciidamo Itoobiyaan ah ay degmada Berdaale ee isla gobolka Baay ay kusoo rideen diyaarad sidday gurmad caafimaad oo looga hortagi lahaa Coronavirus.

Guddi ka kala socda dowladaha Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa baaritaan kuwada shilkaas oo sarre u qaadey walaaca laga muujinayo ciidamadda aan kamid ahayn howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM.

Dhacdooyinkaan soo laab-laabtey ayaa kusoo hagaagaya xilli dalka uu cagaha la gelayo mar-xalad kala guur ah iyo hubanti la'aan ku wajahan doorashooyinka 2020-21, iyaddoo laga digay muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM