Siduu Covid-19 u saameeyay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli ay sii kordheyso tiradda askarta uu soo ridanayo, Coronavirus ayaa ku qasbay hogaanka taliska nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM in ay yareeyaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wargeyska kasoo baxa dalka Kenya ee EastAfrican ayaa wariyey in howlgalka Midowga Afirka uu kaliya haatan dhaqdhaqaaq ka waddo gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo wali maleeyshiyaadka ay ku dambeeyaan.

Sidda laga soo xigtay warbixinta jaraa'idka, sababta keentay hoos-u-dhaca ku yimid howlgaladda taliska waa si looga fogaado halista iyo in ay u nuglaadaan xanuunka Covid-19.

Illaa iyo haatan, 37 askari oo 30 kamid ah ay kasoo jeedaan Uganda iyo todoba Burundees ah ayaa la xaqiijiyey in ay qaadeen cudurka dilaaga ah isla markaana safmareenka ah.

Dhamaan askartaan ayaa ku sugan gudaha xerada Xalane ee magaaladda Muqdisho, halkaasoo xaalad go'doon ah iyo heegan buuxda gashay.

Taas bedelkeeda, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo warar been abuur ah ka faafiyey cudurka ayaa tan iyo markii uu dilaacay caabuqa dhowr jeer madaafiic ku weeraray Xalane, wallow aysan la helin bartilmaameedkooda.

Xalane oo sidoo kale fariisin u ah diblumaasiyiinta iyo qaar kamid ah safiirada Beesha Caalamka ayaa ah meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Howlgalka AMISOM oo ay ciidamo ku tabaruceen wadamadda kala ah; Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Burund, waxaana tiradda askarta u diiwaan-gishan oo qorshuhu yahay in ay dalka ka baxaan 2020-21 lagu sheegay 22-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM