Sirdoonka Jubbaland oo digniin horleh kasoo saarey xirashada Niqaabka

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay digniin horleh kasoo saartay xirashadda Indho-shareerka.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee hay'adda waxaa lagu sheegay in kol hore degaanadda maamulkaas laga mamnuucay niqaabka, sabab la xiriirta feejignaan dhinaca nabad-gelyadda ah.

"Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Guud ahaan Deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa ku daray: "Iyadoo laga hortagayo khatar amni oo ka dhalata xirashada Niqaabka ama indho shareerka waxaa suurto gal ah in Cadowga umada Soomaaliyeed ay ka faai'deystaan Xirashada Shareerka Xiliga adag ee Lagu gudo jiro ka hortaga Aafada COVID_19".

"Shacabka rag iyo dumarba waxaa ay si siman u isticamaali karaan Gafuur Xirka afka qalaad lagu dhaho Face Mask. Ka qeyb qaado ilaalinta amniga xili walba iyo xaalad walba," ayaa lagu soo xiray.

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa heegan buuxa la geliyey si ay uga hortaggaan falal liddi ku ah amniga inta lagu jira xaaladda adag ee uu sababay sababay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Jubbaland ayaa laga xaqiijiyey ku dhowaad 30 xaaladood oo caabuqaas dilaaga ah, waxaana maamulku uu dhowaan shaaciyey in uu kordhinayo xarumaha karantiilka xanuunka oo hadda kooban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furitaanka Baarlamaanka oo Dib u Dhacay Xili ay Taagan Yihiin Muran Siyaasadeed iyo Khilaaf Doorasho

Xamse ayaa meesha ka saaray in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo sheegay in uu weli xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    20-09-2025

  • 02:01PM

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM