Sirdoonka Soomaaliya oo baaris ku bilaabay shaqaalaha dowladda

Image
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xaalada amni ee caasimada Muqdisho ay sii liicayso.

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay bilowday baaritaan ay ku sameyneyso shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda federaalka ah, sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan.

Saraakiil amni oo sabab ku aadan xasaasiyada qadiyadan u codsadey in aan magacyadooda la xigan ayaa talaabadan ku sifeeyay "hubin lagu sameynayo liis ay horey u diiwaan-gelisay hay'adda 2018-dii illaa 2021-kii".

"Shaqadan waxay saameynaysaa dhamaan wasaaradaha xukuumadda," ayay soo wariyeen shaqsiyaad kala duwan oo ka war haya arrintan. "Horey waxaa hubinta loogu sameeyay meelo ay kamid tahay Madaxtooyadda Qaranka".

Bishii July ee sanadkan 2022, NISA ayaa lagu waramay in ay ku fartey shaqaalaha dowladda in aysan baabuurtooda la mari karin jidadka Madaxtooyadda. Amarkan waxaa lala xiriiriyey "khatar dhanka ammaanka soo soo ifbaxdey".

Weerarkii Villa Rays Hotel

Sida laga soo xigtey qaar kamid ah shaqaalaha maray hubinta, su'aallaha la waydiinayo waxaa kamid ah qabiilka uu qofka kasoo jeedo, cidda damiinka ka ah iyo waliba lambarka Xildhibaankiisa.

"Lama rabo kaliya magaca qabiilkaaga, waxaa lagu leeyahay sheeg jufada illaa lafta aad kasoo jeedo iyo haddii aad urur diimeed ku jirto," ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha rayidka oo dalbadey in la qariyo magaciisa.

Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii dagaalameyaasha Al-Shabaab ay muddo 23-saac ka dhex-dagaalamayeen Villa Rays Hotel oo ku dhow Villa Soomaaliya. Dowladda ayaan wali fahfaahin qaabka maleyshiyadda ku gaartey halkaas.

Taliska Booliska ayaa sheegay in 8 qof oo u badan shacab ay ku naf-waayeen falkaas. Afhayeenka bileyska, Sadiiq Doodishe, ayaa muuqaal laga soo duubay ku xusay in dableyda howlgalkan fulisay ku qeexay lix "dhagar-qabeyaal".

Amniga caasimada Muqdisho

"Mid kamid ah wuxuu isku-qarxiyey banaanka hotel-ka," ayuu tibaaxay. "Shanta kale waxaa toogtey ciidamadda". Ma uusan soo hadal-qaadin haddii baaritaan la bilaabay si loo ogaado sidda dagaalameyaasha shirqoolka ku fuliyeen.

Warar soo baxay kadib dhacdadaan ayaa muujiyey in madaxwayne Xasan Sheekh uu amray baaritaan lagu sameeyo weerarkan isla markaana si degdeg ah loogu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan falkaas.

Macluumaada la hubiyey ayaa soojeedinaya in xabsi loo taxaabay askar, saraakiil ciidan, iyo taliyeyaal baro kontarool. Dhinacyada wajahaya su’aallo waydiinta ayaa la wariyey in ay u badan yihiin Ciidamadda Madaxtooyadda.

Ammaanka iyo ciribtirka Al-Shabaab ayaa kamid ah shaqada ugu culus ee hortaala madaxda Soomaaliya ee la doortey 15-kii May, 2022. Inkasta oo guulo laga soo sheegayo furimaha dagaalka, amniga caasimada ayaa wali maaro loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM