Soomaali uu Covid-19 ku xayiray Sacuudiga oo lagu celiyey Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan 100 ruux oo Soomaali ah kuwaasoo ku xayirnaa waddanka Sacuudiga ayaa xalay dib loogu celiyey magaala madaxda dalka ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin badan.

Dadkaan lasoo celiyey ayaa isugu jira haween, caruur iyo dad waaweyn, waxaana ay bilooyinkii lasoo dhaafay go'doon ku ahaayeen magaalooyin ku yaala Sacuudi Carabiya kadib markii uu dilaacay Covid-19.

Qaarkood oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa dareen farxadeed ka muujiyey, waxayna u mahadceliyeen xukuumadda federaalka ah.

Mas'uuliyiita soo dhaweysay muwaadiniinta ayaa xusay in ay socdaan qorsheyaal kale oo dalka dib loogu soo celinayo dad kale ku xayiran waddamo ay kamid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Turkiga.

Jaamac Cabdullaahi Caydiid, danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, ayaa qiray in ay qorsheynayaan kireynta diyaarad balaaran "si ay u raacaan dhamaan muwaadiniintii ka haray safaradii ka horeeyay".

"Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed in aan har iyo haweenba u taaganahay siddii aan dalkii hooyo dib ugu celin lahayn muwaadiniintii uu xayiray Coronavirus," ayuu ku sheegay muuqaal.

Xanuunkaan dilaaga ah ayaa kala xiray wadamada caalamka maadaama talooyinka uu ku faafo ay kamid tahay isu socodka dadweynaha, arrintaas oo dunida isku raacday in gabi ahaan la joojiyo.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dhinacyadda uu saameeyay xanuunka, kuwaas oo qaarkood diyaaraddo qaas ah soo raacay.

Inkasta oo dowladdu labadii bilood ee lasoo dhaafay ay bilowday qorshaha dib u soo celinta, haddana waxaa lagu dhaliilay in aysan soo qaadista Soomaalida ku nool halka oo cudurka kasoo bilowday oo ah Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM