DF oo shaacisay kiisas iyo dhimasho cusub oo ka dhalatay Corona

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa Axada maanta ah ku dhawaaqday in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 70 kiis cusub oo ah Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaraddaas, ayaa daboolka ka qaadey in bukaanada cusub 63 kamid ah ay ku sugan yihiin Muqdisho, saddexdna laga helay degaanadda maamulka Somaliland.

Sidda laga soo xigtay Fowziya oo galabta wariyeyaasha kula hadashay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, 48 kamid ah xaaladaha cusub waa Lab, halka 22-da kale ay yihiin Dhedig ama Dumar.

Marka lagu daro kiisaska soo kordhay 48-dii saac ee lasoo dhaafay, tiradda guud ee waddanka ayaa ah 671, oo badankooda laga helay magaala madaxda dalka, oo dadka aysan muujin feejignaan.

Intii ay ku guda jirtay shirka jaraa'id, Fowziya ayaa tibaaxday in ay soo kordheen saddex kiis cusub oo ah dhimasho ka dhalatay Covid-19. Puntland, Somaliland iyo Muqdisho ayaa laga diiwaan-geliyey.

"Tiradda guud ee dhimashadda waa 31 qof; Illaahey u naxariisto," ayay hadalkeeda ku dartay Fowziya, oo dadweynaha ku boorisay in ay xoojiyaan taxadarka iyo kala fogaanshiyaha kulamadda.

Sidoo kale, waxaa soo caafimaaday saddex bukaan, sidda ay xustay Fowziya, oo tilmaamtay in wadarta dadka bogsaday ay tahay 34, kuwaas oo ku kala sugan magaalooyinka wadanka.

"Mowqifka dowladda Soomaaliyeed waa in uusan qofna u dhiman cudurka, waxaana ku dedaaleynaa in aan sii kordhino awoodeena iska caabinta," ayay hadalkeeda raacisay.

Ugu dambeyntii, Fowziya ayaa ku gaabsatay "tuhun" xilli ay soo hadal-qaadey dhimasho badan oo lala xiriiriyey Coronavirus oo maalmihii lasoo dhaafay la tilmaamay in ay ka dhacday Muqdisho.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM