Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Image

MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii si kulul u cambaareysay weerarro ay Iiraan ku qaaday dalal dhowr ah oo Carbeed, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dalalkaas iyo khatar ku wajahan xasilloonida gobolka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in weerarradaasi ay sababeen burbur, dhaawacyo iyo dhimasho, isla markaana ay jebinayaan karaamada iyo midnimada dhuleed ee dalalka ay saameeyeen.

“Soomaaliya waxay muujineysaa walaac weyn oo ay ka qabto xiisadda ka taagan gobolka, waxayna garab taagan tahay dalalka ay saameeyeen falalkan hubeysan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Wasaaradda ayaa si gaar ah u magacowday Sacuudi Carabiya, Qatar, Kuwait, Urdun, Baxreyn iyo Cumaan, iyadoo sheegtay in Muqdisho ay taageersan tahay xaqa ay u leeyihiin inay qaadaan tallaabooyin sharci ah oo ay ku difaacayaan ammaankooda, muwaadiniintooda iyo dhulkooda.

Bayaanka dowladda Soomaaliya ma uusan xusin Imaaraadka Carabta. Ka maqnaanshahaas ayaa imanaya iyadoo ay jireen xiisado siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kuwaas oo saameeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Cambaarayntan ayaa timid kaddib markii ay sii kordheen xiisadaha Bariga Dhexe, ka dib weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku dileen hoggaamiyeyaal sare oo Iiraaniyiin ah, oo ay ku jireen hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee dalkaasi Ayatollah Ali Khamenei. Iiraan ayaa markaas qaaday weerarro aargoosi ah oo lagu beegsaday xarumo militari oo Mareykanku ku leeyahay dalal dhowr ah.

Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sidoo kale hanjabaad u dirtay Israel iyo Mareykanka, iyagoo sheegay inay bilaabi doonaan waxa ay ku tilmaameen “hawlgalka weerarka ugu xooggan” ee ka dhan ah saldhigyada militari ee labada dal, taasoo sare u qaadday cabsi laga qabo dagaal ballaaran oo ka qarxa gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ugu dambayn ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn oo ay dib ugu laabtaan wadahadal.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka, waxayna ku baaqaysaa in dhinacyada ay khusayso ay mudnaanta siiyaan diblomaasiyadda iyo xalalka nabadeed si loo gaaro nabad waarta, xasillooni iyo wada noolaansho,” ayaa lagu yiri bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM