Sooyaalkii SYL: Halyeeyadii cagta mariyey "jilaafooyinkii" gumeystaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaybo kamid ah Soomaaliya ayaa maanta laga xusay 77-sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaska Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, oo door wanaagsan ka qaatay madax-banaanida dalka.

Munaasabadda oo sanad walba la qabto 15-ka May waxaa xagaagan baajiyey Coronavirus, sidda uu xaqiijiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo diray fariin hambalyo ah oo maalintan ku aadan.

SYL oo baal dahab ah kaga jirta taariikhda gobonimo-doonka Umadda Soomaaliyeed ayaa waxay ka koobnaayeen 13-dhalinyarro da'doodu u dhaxeysay 15-21 jir, kuwaas oo kolkii dambe taageereyaal badan yeeshay.

Dagaalo qaraar ayay la galeen gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, taas oo ugu dambeyntii keentay in Qaranka xor noqday 1-dii July, 1960; Britain waxay haystay gobolada waqooyi, halka Italy ay maamuleysay koonfurta.

Sidee loo aas-aasay SYL?

Fekerka yagleelida ururka waxaa la aaminsan yahay in uu ka yimid C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke, wallow ay isku aragti ka noqon waayeen nooca uu noqonayo ururkooda.

Sakhaawadiin ayaa la sheegay in uu soo jeediyey in laga dhigo urur Islaami ah, halka Yaasiin uu ku taliyey urur siyaasadeed. Markii ay dhalinyarro kale kusoo biirtay ayay isku raaceen Gole aqoon-is-weedaarsi ah.

Sidda ay sheegeen taariikhyaddana, guri ku yaala wadada Via Rooma ee magaaladda Muqdisho ayaa lagu aas-aasay SYL, 15-ka bishii May, 1943-dii. Balse, dhamaan 13-kii dhalinyaro ee aas-aasay ma wada joogin.

Magacyadda halyeeyadda xubinta ka ahaa SYL ayaa waxay kala yihiin; Cabdiqaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur [Siidii], Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan, Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi [Xayeesi], Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe.

Magacoodii ugu horeeyay wuxuu ahaa "SYC" Somali Youth Club. Bishii May, 1947-dii ayay u bedeleen Somali Youth League [SYL]. Kadib markii dhexdooda ay isku afgarteen aas-aaska, waxay codsi u direen Ingiriiska.

Inkasta oo dhexdooda ay ka jirtay kala aragti-duwanaan aan buuraneyn, haddana waxay ka mideysnaayeen saddex qodob oo kala ahaa; xoreynta dalka, ka fogaanshiyaha qabyadda iyo dariiqooyinka si lamid ah wax-barida dadka oo dhexdooda ay iska bilaabeen.

Mas'uuliyiintii ugu horeysay ee xilalka ka qabatay SYL ayaa kala ahaa; Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawadiin – guddoomiye, Xaaji Maxamad Xuseen – guddoomiye-xigeen iyo Yaasiin Xaaji Cismaan, oo loo doortay xoghayaha guud ee ururka gobonimo doonka Soomaaliyeed.

Taariikhyadda qaar ayaa warinaya in kahor inta aysan doorashadu qaban ay codsi u qorteen gumeystihii Ingiriiska si ay uga helaan ogolaanshiyo ay ku dhistaan Naadiga ay aqoonta isku dhaafsadaan lagana ogolaadey.

Taariikhdyadda ugu caansan

Kadib markii saameyntoodu korortay isla markaana ay hanteen kalsoonida dadweynaha ayna xafiisyo ka furteen gobolada dalka, 11, Janaayo, 1948 waxay hormuud ka ahaayeen dagaalkii "Ha noolaato" ee Muqdisho.

Dhacdadaas oo timid iyaddoo dalka ay soo booqanayeen wafdi ka socday guuleysteyaashii dagaalka labaad ee aduunka waxaa Soomaalida kaga dhintay 14 oo ay ku jirto Xaawa Taako, iyo 14 askari oo Talyaani ah.

Ugu yaraan laba qof oo Soomaali ah ayaa ku nafweysay, 50-kelana waa dhaawacmeen halka 15-askari oo Ingiriis ahna ay waxyeelo soo gaartay kadib banaanbax dagaal isku bedelay uu ka dhacay Dhagaxtuur, October 5, 1949. Dibad-baxaas waxaa looga soo horjeeday Talyaaniga.

Bishii November, 21, 1949, Qaramada Midoobay ayaa go'aamisay in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah muddo 10-sano oo "dowladnimo baris" lagu tilmaamay, iyaddoo ay ilaalinayaan Masar, Philippine iyo Colombia.

SYL ayaa si lamid ah ku guuleysatay 12-ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliyeed kaas oo uu sameeyay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo kamid ahaa Ururka Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Kadib halgan dheer, 1-dii July 1960, waxaa dal xor ah noqotay Soomaaliya. Doorashooyin xor ah oo dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ku guuleystay SYL oo maamul madani ah ku hogaamineysay dalka.

Balse sagaal sano oo talada ay haysay SYL, waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad Barre oo afgembi milatari ku qabsaday waddanka. Jeneraalka wuxuu laalay axsaabta mucaaraadka, taas oo burburisay dimoqraadiyadda.

Sooyaalka 13-ka halyeey

Caqabadaha intii ay halganka ku jireen ay la kulmeen waxaa kamid ah hagardaamooyin kaga imaanaya gumeysiga iyo calooshood-u-shaqeystayaasha daba dhilifka u ahaa kuwaas oo madax-banaani Soomaaliya diidanaa.

C/qaadir Sheekh Saqaawadiin oo sanadku markuu ahaa 1919-kii ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waqtigii la aas-aasayey SYL ah wuxuu ahaa 24-sano jir.

Max’ed Xirsi Nuur [Siidii] oo ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud 1915-kii ayaa ahaa 28-jir.

Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke oo dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug 1917-kii ayaa jiray 26-sano.

Xaaji Maxamed Xuseen Maxamed oo ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1917-kii ayaa jiray 26-sano.

Cismaan Geedi Raage oo ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir 1925-kii ayaa ahaa 18-sano jir.

Dheere Xaaji Dheere wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka sanadkii 1926-kii, xilligaasna wuxuu jiray 17-sano.

Daahir Xaaji Cusmaan wuxuu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1925-kii, waqtigaasna wuxuu ahaa 18-sano jir.

Cali Xasan Maslax, oo ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1927-kii, ayaa jiray 24-sano.

Maxamed Cali Nuur, oo ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkii 1927-kii, ayaa jiray 16-sano.

Maxamed Faarax Hilowle, oo ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadkii 1925-kii, ayaa wuxuu jiray 18-sano.

Xaaji Maxamed Cabdullaahi, oo ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1918-kii, ayaa jiray 25-sano.

Huudoow Macalin Cabdulle, oo ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926-kii, ayaa wuxuu ahaa 17-jir.

Maxamed Cusmaan Baarbe, oo ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1910-kii, ayaa wuxuu jiray 33-sano.

Maxay ku muteysteen maamuuska?

Marka laga soo tago in ay dhabaha u xaareen gobonimo, haddana waxay ka shaqeeyaan in ay meesha ka baxaan hagar-daamooyinkii uu isticmaarka la damacsanaa dalka, sidda uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

"SYL kaliya kuma muteysan maamuuska in ay dadka Somaaliyeed ka dulqaadeen xeryadda gumeysiga una horseedeen gobonimo buuxda balse waxay u muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay kasoo gudbiyaan halgankii dheeraa ee gobonimo doonka Soomaaliyeed kuwaasoo ay kamid ahaayeen shirqoolka shisheeye sidda; u kala qeybinta Ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah qabiil kadibna xoog lagu xukumo macnaheedu wuxuu yahay in jahli lagu hayo Umadda Soomaaliyeed ama aqoonta loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo si gacanta gumeysiga marnaba aysan uga maarmin ama ay ugu hoos-jiraan isla markaasna koox yar oo fekerka gumeysiga haysta u adeegsadaan ama loo isticmaalo kala qeybinta Umadda Soomaaliyeed," ayuu ku yiri fariintiisa hambalyadda ee Maalinta 15-ka May.

Inkastoo su'aal la gelinayo haddii dowladiisu ay qaban doonto doorashooyinka soo aadan, Farmaajo ayaa yiri "dowladdu waxay ku hogaamineysaa dhalinyarradda doorashooyin xalaal ah".

Wallow uu ka dhawaajiyey in dowladiisu dalka kusoo celisay dhalinyarro "ay daruufo ku haysatay dibadda" haddana waxaa hooseeya hanaanka shaqo abuurka iyo mashaariicda horumarinta da'yarta.

Ugu dambyntii, madaxweynaha ayaa naxariiste ALLE u rajeeyay aas-aas-aasayaashii SYL oo ah "halyeeyadii u soo halgamay xorriyadda aan maanta haysano," isagoo u rajeeyay dadka iyo waddanka nabad iyo barwaaqo waarta.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM