Taliyihii booliska Dhuusamareeb oo isu casilay Al-Shabaab "lasii daayey"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Taliyihii booliska caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, Dhamme Burhaan Axmed, ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas loo maagcaabay 2-dii Febraayo, 2020.

Sababta ayuu shaqada uga tegayo ayuu u cuskaday "caqabado shaqo" oo kaga yimid "mas'uuliyiin sar-sarre" oo uusan carabaabin kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay sii daayeen maxaabiis la tuhusaneyaal ah.

Shaqsiyaadka xabsiga laga sii daayey ayuu tibaaxay in qaarkood lala xiriiriyey maleeyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo "shabakado isku xiran oo dal iyo dibadda jooga oo lacago qaadanayay".

"Waa ayaan-darro saldhiga shaqadiisa aan haynay hadii nagula aamini waayey in aan baaris ka sameyno, ama ay si fudud argagixisadda u helayaan xogta dabaca ama habaca ka jira dhinaca shaqada ee la xiriira ammaanka," ayuu ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Dhuusamareeb.

Intii uu ku guda jiray shirka jaraa'idka jaraa'id, wuxuu soo bandhigay laba kiis oo kamid ah "faragelinta lagu sameeyay shaqadiisa".

Kiiska koowaad

24-kii Maaj, 2020 habeen saq-dhexe, bileyska ayaa soo xiray laba dhalinyaro ah oo magaalada ku cusbaa. Su'aallo waydiin kadib, waxaa is-khilaafay hadalada ay sheegeen, taas oo baarista dheereysay.

Sidda ay sheegeen illo wareedyo dhanka sirdoonka Galmudug, labadooda waxay magaaladda kusoo kala horeeyeen saacado un kaliya.

Hase ahaatee, aroornimadii, abaare saddexdii subaxnimo ayaa xabsiga laga sii daayey "iyaddoo bileyska loo adeegsanayo caga-jugleyn iyo awood sheegasho," sidda uu ka dhawaajiyay taliyaha xafiiska baneeyay.

Dhamme Burhaan Axmed ayaa balanqaadey in uu taliyaha cusub ee lasoo magacaabi doono uu shaqadda ugu wareejin doono "si sharaf leh".

Kiiska labaad

29-kii, April, 2020, nin ka yimid Muqdisho isla markaana horey u lahaa raad Al-Shabaabnimo ah ayay ciidamadu xireen. Taliye Burhaan wuxuu qeexay in ay hayeen xogta ruuxaas aan la shaacin magaciisa.

Sidoo kale, wuxuu xusay in shaqsigaas uu "maleegayay" falal liddi ku ah nabad-gelyadda oo ka dhaca magaaladda Dhuusamareeb.

"Anigoo xafiiska ka maqanay oo baarista ay noo socoto ayaa xabsiga laga sii daayey ninkaas la tuhunsanaha ah 4-tii May, 2020, waxaana loosii gudbiyey Cadaado," ayuu daboolka ka qaadey sarkaalka.

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ciidamo isku-dhaf ah geysay Dhuusamareeb oo Al-Shabaab laga xoreeyay sanado kahor, magaaladda waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal kuwaas oo cabsi dhaliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furitaanka Baarlamaanka oo Dib u Dhacay Xili ay Taagan Yihiin Muran Siyaasadeed iyo Khilaaf Doorasho

Xamse ayaa meesha ka saaray in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo sheegay in uu weli xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    20-09-2025

  • 02:01PM

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM