Talyaaniga oo beeniyey war uu Turkiga ka faafiyey Silvia Romano

Image

ROMA, Italy – Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dalka Talyaaniga ayaa beenisay sheegasho ka timid dhigooda Turkiga oo ku saabsan Silvia Romano, sidda uu baahiyey telefishinka maxaliga ah ee TgCom24.

Sidda ku xusan warbixinta, sheegashadda ayaa la xiriirta jaakad nooca aan xabadda karin ah oo haweenaydu kaga soo muuqatay sawirkii ugu horeeyay ee laga qaadey markii xorriyadeeda ay heshay.

Sawirkaas oo warbaahinta Turkiga ay faafisay ayaa looga dhex-qaadey gaari. Balse, lama ogga goobta sawirkaas lagu qaadey. Sidoo kale, waxay wariyeen in jaakada ay ciidankooda u geeyeen haweenayda.

Balse, TgCom24 Tv ayaa kasoo xigtay hay'adda sirdoonka Talyaaniga "waan been abuur, jaakadaas waa qalab ay u geeyeen ciidamadeena".

Mukhaabaraadka Soomaaliya, Turkiga iyo Talyaaniga ayaa la aaminsan yahay in ay iska kaashadeen siddii loosoo badbaadin lahaa Romano, halka dowladda Qadar ay qaabilsaneyd wadaxaajoodyadda sii deynta.

Warbixinta TgCom24 Tv ayaa lagu qeexay in Turkiga aad loogu baahnaa howlgalka soo badbaadinta "maadaama ay sareyso saameyntiisa gudaha Soomaaliya". Talyaaniga wuxu codsiga gudbiyey bishii December.

Dood aysan wali ka jawaabin mas'uuliyiinta ayaa taagan taasoo ah "miyaa lasoo furtay mise madax-furasho ayaa lagu sii daayey". Saxaafadda waxay warisay in lagu sii daayey saddex milyan oo Doolar.

Jaraa'idka La Repubblica ayaa afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere, kasoo xigtay "waxaan lacagta madax-furashadda u qaadanay in aan iibsano hub, kaliya ma ahan midaas, in aan ku bixino iskuulada iyo ciidanka".

Sikastaba ha ahaatee, Silvia Romano oo todobaadkan dib ula midowday qoyskeeda ayaa la rajeynayaa in ay bixiso wareysiyo ay ku sharaxeyso qaabkii loo afduubay iyo qisadeeda mudadii ay lahaystaha ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM