Tirada kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo kor-u-dhaafay 600

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee fayruska Karoona waxay ku xaqiijisay in la diiwaan geliyay 19 xaaladdo cusub oo COVID-19 ah.

Sidda ku xusan warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, 13 kamid ah bukaanada cusub waa rag, 6-na kale waa haween. 11 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.

18 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, hal bukaanna maamul goboleedka xubinta ka ah dowladda dhexe ee Koonfur Galbeed.

Tirada xaaladaha Coronavirus ee waddanka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 601, waxaana guud ahaan ka bogsooday 31 Ruux. 28 ruux ayaa dalka ugu geeriyootay cudurkaan.

Waa maalintii ugu horreysay ee tira dhan 11 ruux ay ka bogsooto cudurkaan, waana maalintii 2-aad ee aan dalka laga diiwaan gelin geeri cusub oo uu sababay COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mawaadiniinta ugu baaqday in ay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona.

Kiiska cusub ee laga soo wariyey Koonfur Galbeed ayaa ka dhigan midkii shanaad maadaama horey ay uga jireen afar xaaladood. Maamul goboleedyadda ee dalka ayaa dhankooda horey looga sheegay kiisas badan.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM