Tiradda kiisaska cudurka Covid-19 ee Soomaaliya oo dhaaftay 400

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay 46 kiis cusub oo ah fayruska safmareenka ah ee Corona, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa wariyeyaasha Muqdisho u sheegtay in bukaanada cusub ay 33 kamid yihiin Lab, Dhegid-na ay tiradoodu gaareyso 18.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, 41 xaaladood kamid ah waxaa laga helay gobolka Banaadir, shan kale waa degaanadda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sidoo kale, waxaa soo korortay shan kiis cusub oo dhimasho ah. Tani waxay wadarta guud ee geerida guud ahaan waddanka ay ka dhigeysaa 23, sidda ku xusan warbixinta.

"Tiradda guud ee kiisaska waa 436, tiradda bogsatayna waxay ku taagan tahay tobban," ayay hadalkeeda raacisay Fowziya Abiikar Nuur, oo tafaasiil dheeraad ah aan ka bixin.

Fowziya ayaa hadalkeeda raacisay: "28 kamid ah bukaanada cusub da'dooda waxay u dhaxeysaa 20 illaa 30-jir, taas oo u dhiganta boqolkiiba 61 dhamaan dadka laga helay".

Dhanka kale, wasiir Fowziya ayaa daboolka ka qaadey in dad tiradoodu gaareyso 58 oo xalay dalka soo galay kana yimid Turkiga lala socdo xaaladooda isla markaana ay yihiin shaqsiyaad is-baarey.

"Ilaahey naguma keenee, lacala hadii loo baahdo waxaa diyaar loola yahay adeeg caafimaad iyo in laga baaro," ayay raacisay, iyaddoo xustay in Soomaali dalal kale ku xiran lasoo qaadi doono.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in tiradda kiisaska Covid-19 ee gudaha waddanka ay si maalinle ah u sii kordheyso, taas oo xoojineysa baahida ee loo qabo in shacabka ay taxadaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM