Todoba qodob oo ay ku heshiiyeen Axmed Madoobe iyo mucaaradkiisa

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo mucaaradkiisa ayaa maanta oo Khamiis ah waxay qalinka ku duugeen heshiis ka kooban todoba qodob oo ay isla meeldhigeen.

Heshiiskaan waxaa garwadeen ka ahayd oo martigelisay wadahadalka dowladda Kenya, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan dhinacyadda.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar oo hor-boodayey Golaha Isbedel-Doonka Jubaland ee diidey dib-u-doorashadii Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in ay aqoonsadeen coddeyntaas.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Axmed Madoobe, Xidig iyo Seeraar ayaa waxay ku shaaciyeen in ay soo afjareen khilaafkii siyaasadeed ee muddo bilooyinka ah ka dhex-aloolsanaa.

Sidoo kale, waxay isla meeldhigeen in madaxweynaha Jubaland uusan mar saddexaad isku soo sharaxi doonin xilka madaxtinimadda dowlad goboleedkaas.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Axmed Madoobe uu soo dhisi doono Gole wasiiro oo wadaag ah oo tayo leh qeybna ka yihiin Golaha isbedel Doonka, iyaddoo la ilaalinayo hab-qeybsiga beelaha.

Bayaanka ayaa lagu adkeeyay ahmiyadda ay leedahay shirar iyo dib-u-heshiisiin lagu xoojinayo heshiiska isla markaana la isugu keenayo wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda Jubaland.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, waxay isla meeldhigeen baahida loo qabo abaabulka howlgal balaaran oo lagu xoreynayo caasimadda rasmi ah ee dowlad goboleedka, Bu'aalle, taas ay hadda haysto Al-Shabaab.

Xilli ay ka dhawaajiyeen in Jubaland ay mar walba diyaar tahay, madaxda ayaa cod dheer kusoo jeediyey in lasoo afjaro khilaafka u dhaxeeya dowladda madaxweyne Farmaajo iyo maamulka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii, dowladda federaalka ayay ugu baaqeen in ay taageerto heshiiska si lamid ah, Puntland iyo dowladda Kenya ayay uga mahadceliyeen garab istaaga iyo doorka ay ku lahaayeen heshiiska.

Hoos ka akhriso heshiiska oo dhameystiran

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM