Waare oo magacaabay guddi xilli uu wajahayo eedeymo musuqmaasuq

Image

JOWHAR, HirShabelle – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa wareegto uu soo saarey wuxuu magacaabay Guddiga Wasaaradaha ee Mashaariicda Xalalka Waara.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, waajibaadka guddiga waxaa qeyb ka ah; xal u helida biyaha had iyo jeer ku fataha Beledweyne iyo guud ahaan degaanadda Hirshabelle.

Guddiga oo ka kooban qaar kamid ah wasaaradaha maamulkaas ayaa magacaabidiisu waxay kusoo aadeysaa xilli Waare uu wajahayo eedeymo la xiriira musuqmaasuq baahsan.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ismaamulka ayaa sheegay Waare in uu lunsaday isla markaana uu si gaar ah u isticmaalay lacagihii loogu deeqay Beledwayne kadib daadadkii sanadka 2019-kii.

Inkasta oo uu horey uga dhawaajiyey in ay soo gaartay deeqdaas, mudaneyaasha ayaa shaki geliyey hadii ay wali baaqi ku tahay gacantiisa, iyagoo ka codsaday in uu kala caddeeyo arrintaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayay ka dalbadeen in ay dirto guddi heer sarre ah oo baaritaan ku sameeya wax-is-dabamarinta baahsan ee ay ku lug-leeyihiin hogaanka HirShabelle.

Codsi uu warsidaha Garowe Online u diray xafiiska madaxweyne Waare si uu uga jawaabo eedeymaha loo jeedinayo kama soo jawaabin dalabka.

HirShabelle oo kamid ah maamuladii ugu dambeeyay ee ka dhismay Soomaaliya ayaa xiriir dhow la leh madaxda fadhisa Villa Soomaaliya oo looga digay muddo kororsi ku aadan doorashooyinka 2020-21.

WAREEGTO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM