Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qaraxii ka dhacay Muqdishu

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Warar dheeraad ah iyo fahfaahino cusub, ayaa kasoo baxaya Khasaaraha Qarax gaari oo caawa maqribkii ka dhacay Wadadka Makka Al-Mukarama, ee bartamaha magaalada Caasumada ah ee Muqdishu,.

Qaraxan oo ahaa mid aad u culus ayaa Qaraxan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay agagaarka Hotel Ambasador oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Taleex iyo shaqaalaha, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Isbitaalka Daaru-shifa.

Inta oa xaqiijiyay 6 ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, lix kalena way ku dhaawacmeen qaraxa, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha laamana amniga gobolka Banaadir, iyo Shaqaalaha Gaadiidka gurmadka Deg Dega ee Ambalaaska.

Hooyo iyo afar caruur ah oo saarnaa Mooto Bajaaj wadada maraysay ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa, kaasi oo loo adeegsaday Gaari nooca loo yaqaano CARIB-ka, oo ku qarxay mar qura wadada, xilli mashquul badan uu ka jiray.

Goobjoogiyaasha ayaa uu sheegay Warsidaha Garowe Online Qaraxa markii uu dhacay laga maqlay rasaas xooggan Wadada Maka Al-mukarama, taasi oo ay rideen Ciidamada Dowladda oo goobta meel u dhaw ku baarayay Gaadiidka.

Qaraxan ayaa ka dhashay Gaari marayay wadada, waxaana uu burbur xoogan u geystay goobaha Ganacsi ee ku yaalla goobta, oo uu kamid yahay Isbitaalka Daaru-Shifa, oo wadada qarkeeda ku yaalla. Wali ma cadda bartilmaameedka rasmiga ee weerarka caawa ka dhacay Caasumadda.

Bishii July 30-keeda, ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay meel ku dhaw saldhiga Booliska degmada Waaberi, oo ku dhaw Isgoyska Dabka, ee magaalada Muqdishu, kaasi oo ay sheegatay Kooxda Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM