Wasiir ka tirsan Jubaland oo laga helay fayruska Corona

Image

KISMAAYO, Jubaland – Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, Mahad, ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa laga helay cudurka Covid-19, sidda uu baahiyey Telefishinka ku hadla afka dowlad goboleedkaas.

Sidda ku xusan warbixinta, mas'uulkaan ayaa wuxuu ku sugan yahay caasimadda ku meelgaarka maamul goboleedkaas ee Kismaayo.

Bukaanka ayaa noqonaya qofka kaliya ee degaanadda Jubbaland ku dhaqan uu soo ritay caabuqa, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

"Xaaladda guud ee wasiirka ayaa ah mid wanaagsan waxaana uu maalmihii laso dhaafay isku karantiilay gurigiisa uu kadeganaa magaalada Kismaayo," ayaa lagu yiri warbixinta laga sii daayey Tv-ga Jubaland.

Jubaland ayaa horey looga soo waariyey shan kiis oo ah Coronvirus. Marka lagu daro kiisaska wasiirka, wadarta waa lix xaaladood.

Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah ayaa maanta xaqiijisay 54 kiis cusub oo laga helay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Tiradda guud ee kiisasha caabuqa safmareenka ah ee guud ahaan waddanka ayaa gaartay 528, dhimashadda waxay ku taagan tahay 28, dadka ka caafimaadeyna waxay maanta gaareen 20 markii qof uu soo bogsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM