Wasiir ka tirsanaa maamul goboleedka HirShabelle oo geeriyooday

Image

JOWHAR, HirShabelle – Wasiirkii Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka HirShabelle, Axmed Cumar Gaabow Sheekh Libbi, ayaa ku geeriyooday magaaladda caasimada ah ee Jowhar.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta keentay dhimashadda mas'uulka, balse waxaa lala xiriiriyey safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Marxuumka ayaa waxaa lagu waramay in uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha maamulka HirShabelle, ayaa sheegay in uu murugadda la wadaagayo qoyska marxuumka.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle," ayuu ku yiri war-saxaafadeed xafiiskiisa kasoo baxay.

Sheekh Libbi ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii ugu horeysay ee dowlad goboleedka HirShabelle kadib markii la aas-aasay dabayaaqadii 2016-kii.

Bishii April ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii Khaliif Muumin oo ahaa Wasiiru dowladihii Cadaaladda HirShabelle uu u geeriyooday cudurka Covid-19, taas oo sarre u qaaday cabsida in la helo kiisas kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM