Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Image

MUQDISHO — Wasiirro iyo wasiir ku-xigeenno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa si wadajir ah isaga casilay xilalkoodii, iyagoo ka cabanaya khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Muqdisho iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta is-casilay waxaa ka mid ah Wasiiru Dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dr. Maxamed Yuusuf Xasan (Waliid), Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Aadan Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Isaaq Maxamuud Mursal, Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xuseen Cali Xaaji, iyo Wasiir Ku-xigeenka Tamarta Suhuur Xaaji.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in go’aankooda uu salka ku hayo waxa ay ku tilmaameen xadgudubyo ka dhan ah heshiisyadii qaran, faragelin joogto ah oo dowladda dhexe ku hayso arrimaha Koonfur Galbeed, iyo jebinta Dastuurka Ku-meelgaarka ah 2012. Waxay sidoo kale tilmaameen in dagaal “gardarro ah” lagu hayo maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin is-casilaadda wasiirradaas.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu si degdeg ah u soo gaabiyay safar uu ku joogay Jeddah, si uu wax uga qabto xiisadda siyaasadeed ee soo korortay. Lama caddeyn inuu sii wadi doono safar horey loogu qorsheeyay oo ku wajahan Masar inta lagu jiro fasaxa.

Is-casilaaddan ayaa timid maalin kadib markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu shaaciyay in maamulka uu joojiyay xiriirkii kala dhexeeyay dowladda dhexe.

“Laga bilaabo maanta ma jiri doono wax xiriir ah oo naga dhexeeya annaga iyo dowladda Federaalka ilaa laga gaaro heshiis Soomaaliyeed,” ayuu yiri Laftagareen mar uu shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo.

Laftagareen ayaa ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay faragelin ku hayso arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Koonfur Galbeed, isla markaana ay isku dayayso inay wiiqdo maamulka iyo kala qaybiso ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022, isagoo xusay in soo jeedimo ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada oo ku aaddan qabashada doorashooyin gaar ah la diiday, loona beddelay hannaan doorasho oo mideysan oo heer qaran ah.

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan murannada la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, iyadoo xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada uu sii xumaanayo, taasoo walaac gelinaysa wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo maamulka iyadoo la wajahayo jadwal doorasho oo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM