Xildhibaano ku ooriyey Farmaajo xilli uu furay kalfadhiga BF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku ooriyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furaya kalfadhiga labada gole ee xeer-dejinta dalka.

Xildhibaanadda ayaa buuqa iyo sawaxanka bilaabay kadib markii cod-baahiyaha lagu wareejiyay Farmaajo oo khudbadiisa ku bilaabay hadalo "kaftan ah" kuwaas oo ku aadan safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Sharci-dejiyeyaasha carqaladeeyay khudbadda Farmaajo oo dhowr xubnood ahaa ayaa ku luuqeeyay Heesta Wadaniga ah ee ay erayadeedu kamid yihiin "Soomaaliyey toosoo, toosoo isku tiirsadayee".

Daqiiqado jahwareer ah kadib, guddoonka wuxuu ku guuleystay in uu dejiyo xaaladda. Hab-dhowrayaasha ayaa door ka cayaaray in ay fadhigooda celiyeen mudaneyaasha ku ooriyey madaxweynaha.

Farmaajo oo dib u bilaabay hadal-jeedinta markii buuqa uu istaagay ayaa yiri "laba Xildhibaan ayaa maanta afduubay 360 Xildhibaan". Wuxuu u muuqday mid weerar afka ah ku qaaday xubnaha ku ooriyey.

Furitaanka madaxweynaha ee kalfadhiga baarlamaanka ayaa ah mid dastuuri ah, waxaana uu kaga hadlayaa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha masiiriga ah ee shacabka u baahan yihiin in loo sharaxo.

Markii kulanku soo dhamaadey, mudaneyaasha ku banaanbaxay khudbada madaxweynaha ayaa ku doodey in hadal-jeedintu aysan u qalmin xaalada dalka ka taagan ayna u badneyd "mid olole ah".

Kal-fadhiga 7aad oo ah kan ugu dambeeya ee baarlamaanka 10aad waxaa horyaala arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin coddeynta aan wali lagu heshiin ee 2020-21, qabyo-tirka dastuurka iyo maqaamka caasimada Muqdisho.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM