Xog ku saabsan wadahadalo hoose oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar uu warsidaha Garowe Online helay ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo uu wadahadallo albaabada u xiran uu kula jiro gudoonka labada aqalka ee xeer-dejinta waddanka.

Kulamada soconaya ayaa looga arinsanayaa arrimaha doorashadda iyo hanaanka la raacayo, iyadoo dhinacyada ay isku afgarteen in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga BF iyo warbixinta Xaliima Yareey.

Labada gudoomiye ee Aqalka Hoose iyo Senate-ka ayaa markii ay dalka dhawaan kusoo laabteen laga filayay inay 27-ka bishaan ay furan kalfadhiga, kaasoo la qorsheeyay inay hor-timaado Xaliimo Yareey si ay ugu dhawaaqdo nooca doorasho ee ka qabsoomi karta dalka xilligan.

Warbixinta Xaliimo Yareey, oo wararku ay sheegayaan in lagu diyaariyay xafiiska Madaxweynaha, ayaa xambaarsan qorshaha Farmaajo ee ah in Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada xididan oo lagu saleynayo nidaamka qabiilka ee 4.5.

Sida uu horey usoo qoray Warsidaha Garowe Online, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka gaabsaday warbixinta ay Xaliimo Yareey ka jeedin doonto Baarlamaanka iyo qorshaha doorashadda ee Farmaajo.

Baarlamaanka ayaa horey u shaaciyay in aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah waqtigan, iyadoo loo sababeeyay xaaladda amni iyo diyaar-garow la’aanta xukuumadda, waxaana fekerkaasi ku raacsan xisbiyada mucaaradka.

Mucaaradka ayaa horey u sheegay in labada gudoomiye ee BF iyo Madaxweynaha ay kawada hadlayaan muddo korarsi, taasoo haddii ay dhacdo laga baqayo inuu dalka galo marxalad jahwareer ah iyo khalkhal siyaasadeed oo hor leh.

Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa horey u icmaaliyay mowqifkooda doorashadda, iyagoo sheegay inay taageersan yihiin nidaamka qof iyo cod, waxayna ka digeen dib u dhac iyo mudo korarsi.

Wakiilka Midowga Yurub, Nicolas Berlanga ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay inay walaac ka muujinayaan dib u dhigida warbixinta Xaliimo Yareey "saameyn ku yeelan karta in doorashadda ku dhacdo waqtigeeda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM