Xubnaha Soomaaliya ee EALA oo si rasmi ah loo dhaariyey

Image

ARUSHA, Tanzania — Ilyas Ali Hassan, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo East African Community (EAC), ayaa shaaciyay in maanta magaalada Arusha lagu dhaariyey xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA).

Safiirku wuxuu tilmaamay in talaabadan ay tahay guul siyaasadeed oo u gaar ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay muujinayso doorka firfircoon iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika.

Mudane Ilyas Ali Hassan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka, isdhexgalka, iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalalka ku mideysan Bulshada Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka.

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud, oo door muuqda ka qaatay dadaallada lagu xoojinayo ka qeybgalka Soomaaliya ee ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM