Xubno ka tirsan xafiiska EU-da ee Soomaaliya oo laga helay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlanga, ayaa shaaciyey in saddex xubnood oo ka tirsan howlgalkooda laga helay fayruska safmarka ah ee Corona.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku xaqiijiyey in xubnahaas la karantiilay ama laga soocay howlwadeenada kale.

Balse ma uusan ka dhawaajin wadamadda ay u dhasheen shaqsiyaadkaas. Sidoo kale, ma uusan xusin qaabka ay ku qaadeen.

Warar is-khilaafsan ayaa tilmaamay in ay ku jiraan Soomaali haysata dhalashada wadamo kale iyo in ay gebigooda yihiin ajaaniib.

Dhanka kale, Berlanga ayaa tibaaxay in todobaadyaddii lasoo dhaafay ay ku howlanaayeen ololaha ka hortagga iyo wacyi-gelinta caabuqa.

"Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa in uu dhaqan-geliyo inta macquulka ah talaabooyinka badqab ee ay ku talisay WHO iyo talooyinka heerka Qaran," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay danjiraha.

Wasaarada Caafimaadka dowladda federaalka ah ayaa nan wali ka falcelin shaacinta kasoo yeertay xafiiska EU-da ee Muqdisho.

Horaantii bishii Maaj ayay ahayd markii shaqaale ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu soo ritay xanuunka. Sidoo kale, askari ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa bishii hore laga helay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM