Xubno ka tirsan xafiiska EU-da ee Soomaaliya oo laga helay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlanga, ayaa shaaciyey in saddex xubnood oo ka tirsan howlgalkooda laga helay fayruska safmarka ah ee Corona.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku xaqiijiyey in xubnahaas la karantiilay ama laga soocay howlwadeenada kale.

Balse ma uusan ka dhawaajin wadamadda ay u dhasheen shaqsiyaadkaas. Sidoo kale, ma uusan xusin qaabka ay ku qaadeen.

Warar is-khilaafsan ayaa tilmaamay in ay ku jiraan Soomaali haysata dhalashada wadamo kale iyo in ay gebigooda yihiin ajaaniib.

Dhanka kale, Berlanga ayaa tibaaxay in todobaadyaddii lasoo dhaafay ay ku howlanaayeen ololaha ka hortagga iyo wacyi-gelinta caabuqa.

"Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa in uu dhaqan-geliyo inta macquulka ah talaabooyinka badqab ee ay ku talisay WHO iyo talooyinka heerka Qaran," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay danjiraha.

Wasaarada Caafimaadka dowladda federaalka ah ayaa nan wali ka falcelin shaacinta kasoo yeertay xafiiska EU-da ee Muqdisho.

Horaantii bishii Maaj ayay ahayd markii shaqaale ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu soo ritay xanuunka. Sidoo kale, askari ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa bishii hore laga helay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: “Muqdisho Marti Kuma Nihin"

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu kusoo biiro xal-u-raadinta Mushkiladaha haysta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:45AM

Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:22AM