​Somaliland: Siilaanyo oo isku shaandhayn sameeyay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa xalay goor dambe soo saaray wareegto isku shaandhayn ah taasoo saamaysay qaybaha kala duwan ee dowladda gaar ahaan xukuumadda, taliyaasha ciidamada, Guddoomiyaasha gobollada iyo maareeyahaha dekadda Berbara.

Qoraalkaa Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu magacaabay xubno cusub oo xilal loo dhiibay halka kuwo kale boosas kale loo wareejiyay.

Wareegtada oo nuqul kamid ah soo gaaray GO, ayaa waxaa ka dhex muuqday wejiyo cusub oo Kasoo jeeda gobolka Sool kuwaasi ku yimi hishiiskii dhawaan ka dhacay deegaanka aw-Boogays.

Golaha xukuumadda;

  1. Farxaan Aadan Haybe, u magacaabay wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland
  2. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa isna laga dhigay wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah (Mudane cusub)
  3. Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, ayaa laga dhigay wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland (Mudane cusub)
  4. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane cusub).
  5. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland (Bedel)
  6. Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Somaliland(Bedel)
  7. Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, ayaa loo magacaabay wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland (Bedel)
  8. Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel)
  9. Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  10. Maxamuud Jaamac Aadan Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel)
  11. Cismaan Xasan Aw Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Somaliland (bedel)
  12. Maxamed Axmed Aadan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland (Bedel)
  13. Guuleed Maxamed Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland (Mudane Cusub)
  14. Yuusuf Axmed Faarax (Af-lahaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Somaliland (Mudane Cusub)
  15. In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha ee Somaliland (Mudane Cusub).

Agaasimayaasha cusub iyo kuwii la bedelayna waxa kala yihiin;

1. In Mudane, Fu’aad Cabdi Salaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Ambassador, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi Shaqaabe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6. In Mudane, Xasan Nuur Abokor (Xasan Jebiye), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Hay'adaha dowladda;

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka; Markuu Aqoonsaday: Baahida loo qabo Buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday;

1. In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda manta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Somaliland.

2. In Mudane, Shariif Abokor X. Maxamed (Dhuux-yare), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland.

3. In Mudane, Sharmaarke Muxumed Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland.

4. In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Somaliland.

5. In Mudane, Cabdi Cabdillaahi Xasan Mataan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera ee Somaliland

6. In Mudane, Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xog-hayaha Guud ee Guddida La Dagaalanka AIDS-ka (SOLNAC) ee Somaliland.

Taliyaasha Ciidamada loo magacaabay;

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90-aad ee Dastuurka Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Qaranku u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Taliyeyaasha Ciidamada, Ilaalada Xeebaha, Laanta Socdaalka, Ciidanka Qaranka, iyo Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka,

Wuxuu go’aansaday;

1. In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland.

2. In Sarreeye Guuto, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland.

3. In Sarreeye Guuto, Maxamed Cisamaan Caalin (Dayib), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland, (Hore waxa u magacaabi jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, hada wixii ka dambeeya waxa soo magacaabaya Madaxweynaha)

4. In Sarreeye Guuto, Saleebaan Barre Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka ee Somaliland.

Guddoomiyaal loo magacaabay qaar kamid ah gobollada Somaliland;

1. In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Somaliland.

2. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland.

3. In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Somaliland.

La taliyaasha la magacaabay;

1. In Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga, (Hore Afhayeenka Madaxtooyada)

2. In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali X. Jeeniyare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Bariga ee Somaliland, (Hore Gudoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex)

3. In Mudane, Aadan Nugaal X. Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Maaliyadda iyo Miisaaniyadda.

Danjirayaal la magacaabay;

1. In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia.

2. In Mudane, Maxamed Ismaaciil Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Australia.

3. In Mudane Aadan Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wakiilka Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika.

Mas'uuliyiin xilal laga qaaday;

1. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirkii Hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

2. Maxamed Rashiid Sh. Xasan, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah.

3. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle), Taliyihii Hore ee Ciidanka Somaliland

4. Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), Maareeyihii Hore ee Dekedda Berbera

5. Cumar Abokor Jaamac, Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee Dekedda Berbera

6. Maxamed Cabdi Bullaale, Agaasimihii Guud ee Hore ee Guddida Qandaraasyada Qaranka

7. Jaamac Maxamed Odowaa, Agaasimihii Guud ee Hore ee Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Afhayeen loo magacaabay madaxtooyada Somaliland;

In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland, (Wasiirkii hore Ganacsiga iyo Maalgashiga).

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM