​3 Arday ku geeriyootay degmada Lughaya, Awdal

Image

LUGHAYA- Saddex arday oo wax ka baran jirtey dugsiga saree e GEB ee degmada lughaya, ayaa geeriyootay, kadib markii ay liqday badda Lughaya gobolka Awdal oo ay ku dabbaalanayeen.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey madaxa wasaaradda caafimaadka degmada Lughaya  u qaabilsan Axmed Cabdi Geeddi, waxa  meydadka ardaydaasi lagu hayaa cisbitaalka degmadaas, waxana jira arday kale oo isla baddaas laga soo badbaadiyey.

 Magacyada ardayda geeriyootay ayaa kala ahaa Cabdinaasir Tallan Cali oo  20-jir ahaa, Muxyadiin Xasan Gaboobe oo 20-jir ahaa iyo Cabdikariin Xasan Cali oo 20-sano jir ahaa, waxana ay dhigan jireen fasallada labaad iyo saddexaad dugsiga hoyga(boarding) ah ee degmadaasi.

Madaxda kala duwan ee wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa ka hadlay dhacdadan iyagoo tacsi u diray walidiinta iyo ehelkii ay ka baxeen.

Badda degmada Lughaya ayaa waxaa xilliyo kala duwan ugu geeriyooday shakhsiyaad katirsanaa dadka deegaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM