Abaarso oo war kasoo saartey eedeymaha loo jeediyey Joy Isa

Image

HARGEYSA - Maamulka Sare ee Abaarso Network, oo ka kooban Iskuul iyo Jaamacad lagu magacaabo Barwaaqo University ayaa war qoraal ah kasoo saarey kiiska Joy Isa, oo u dhalatay dalka Nigeria, taasoo la sheegay faafiso Diinta Kirishtaanka.

Joy Isa ayaa Madax ka ah Jaamacadda Barwaaqo, oo dhawaan la furay taasoo loogu tala-galay in wax lagu baro Gabdhaha oo kaliya, iyadoo hoostagta Dugsiga Abaarso oo 2009 uu aas-aasay Jonathan Starr, oo u dhashay Mareykanka.

Abaarso Network ayaa sheegtay in Macallimiinta iyo shaqsiyaadka Maamulka ka ah Iskuulka iyo Jaamacaddaba marka la shaqaaleysiinayo laga saxeexo heshiis ka reebaya inay ardayda iyo dadka kale la wadaagaan ama kala xaajoon diinta iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin, iyadoo cidda heshiiskaas ku xad-gudubtana shaqada laga ruqseynayo.

Waxay Abaarso beenisay in haweenayda Madaxweynaha ka ah Jaamacadda Barwaaqo, oo ah Baadari/wadaad katirsan Kaniisad ku taalla Nigeria ay kawado Iskuulka howlo lagu gaaleysiinayo ardayda.

Maamulka ayaa xusay in markii ay soo baxeen wararka gaaleysiinta iyo muuqaallo baraha buslahda lagu faafiyay oo ka hadlaya Joy Isa ay la kulmeen ardayda iyo shaqaalaha kala duwan, kadibna ay ogaadeen inaysan jirin waxa la sheegay.

Abaarso waxay intaasi ku dartay in muuqaallada Joy Isa ay diinta Kirishtaanka uga hadlayso ay yihiin kuwa hore oo la duubay kahor inta aysan shaqaaleysiinin, iyadoo sheegtay in Haweenaydan ay ku shaqeynayso maabaadi'da iyo xeerarka Iskuulka, oo aysan ka gudbi karin.

Abaarso ayaa sidoo kale shaacisay inay diyaar u tahay inay kala shaqeyso Wasaaradda Diinta Somaliland baaritaanka kiiskan oo muran xoog leh dhaliyay, loona xiray Wariye Caldoon oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee soo ifbixiyay.

Muuse Biixi oo dhawaan ka qeybgalay qalin-jebinta Gabdho ka baxay Jaamacadda Barwaaqo ayaa sheegay in uu isaga u kuur-galay hanaanka waxbarasho ee Abaarso, islamarkaana uu ogaadey inaysan waxba ka jirin wararka laga faafinayo.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM