Abiy Axmed iyo Muuse Biixi oo mar kale ku kulmaya magaalada JigJiga

Image
Itoobiya ayaa wajahaysay cadaadis diblumaasi tan iyo markii ay heshiis-beenaadka la gashay maamulka Hargeysa.

HARGEYSA, Somaliland - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku kulmayaan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee Koonfur Bari Itoobiya.

Idaacadda Wazema ayaa Talaadadii sheegtay – iyada oo soo xiganaysa ilo-wareedka – in Muuse Biixi Cabdi uu ku wajahan yahay magaalada Jigjiga oo uu kulanka ka dhici doono.

Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in Abiy Axmed uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga oo uu booqasho ugu tagay fulinta mashaariic horumarineed oo ka socda deegaanka, isla markaana uu xadhigga ka jaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Goday.

Wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ma xaqiijin safarka Muuse Biixi Cabdi ee Itoobiya – markan Jigjiga – oo uu kulan la yeelanayo.

Dowladda Itoobiya ayaan iyaduna war rasmi ah ka soo saarin arrintan. Waxa cadaadis dublamaasiyadeed ku soo rogay Itoobiya oo la xiriira heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Somaliland.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa 1-dii Janaayo 2024 ku kala saxiixday heshiis is afgarad ah caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Sida ku cad heshiiska Is-afgaradka, Itoobiya waxay doonaysaa inay hesho 20 KM oo dhul xeebeed ah oo ku teedsan gacanka Cadmeed – kaas oo loogu talo galay arrimo badeed iyo ganacsi, inkasta oo aanay Somaliland xaqiijin ganacsigeeda, iyadoo kiro ahaan loo kireeyey muddo konton sannadood ah.

Taa beddelkeeda, Itoobiya waa in ay Somaliland siiso boqolkiiba dakhliga ka soo xarooda diyaaraddaha Ethiopian Airlines iyo Ethio Telecom. Sidoo kale, Itoobiya waa in ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan in kasta oo ay shuruudo ku xidhay.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareysay weerarkaas, waxaana ay sheegtay in heshiiskaas uu yahay mid xadgudub ku ah madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM